Ciidanka NISA oo howlgallo ka fuliyay Galguduud iyo Shabeellaha Dhexe

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka ee NISA oo kaashanaya Saaxiibada Caalamka ayaa howlgallo ay sameeyeen oo ka kala dhacay deegaanka Yaaqle ee Gobolka Shabeellaha Dhexe iyo deegaanka Gariile ee Gobolka Galgaduud waxaa lagu dilay ilaa 40 Khawaarij ah halka 29 kalana lagu dhaawacay.

Horjooge Sare oo ka tirsanaa Khawaarijta oo lagu magacaabi jiray Macalin Aarow isla markaana ahaa horjoogaha maleeshiyada la beegsaday ayaa ka mid ah dhagar-qabayaasha lagu dilay howlgal qaatay in ka badan 24-saac oo ka dhacay Gobolka Galgaduud.

Sidoo kale, deegaanka Yaaqle ee Gobolka Shabeellaha Dhexe Ciidamada Sirdoonka NISA iyo Saaxiibada Caalamka ayaa ka hortagay maleeshiyaad isku abaabulayay, waxaana halkaas lagu laayay dhammaan maleeshiyaadkii iyada oo la burburiyay Saanad Ciidan.

Dowladda oo kaashanaysa Shacabkeeda iyo Saaxiibada Caalamka ayaa laba jibaartay howlgallada bartilmaameedka ah ee lagu beegsanayo maleeshiyaadka khawaarijta iyo horjoogeyaasha dhiigyo-cabka ah.