Puntland oo qabatay nin ka yimid Israel oo ku biiray Daacishta Soomaaliya

Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee PSF-ta Puntland ayaa xalay soo bandhigay nin ajnabi ah oo ay ku qabteen howlgal culus oo ka dhacay buuraha calmiskaad ee gobolka Bari.

Ninkan oo magaciisa ku sheegay Cabdalla Mustaf Abu-deyr (Saalim) ayaa kamid ahaa xubnaha ajaaniibta ah ee ka barbar dagaalama kooxda Daacish ee Soomaaliya.

Wareysi muuqaal oo laga duubay Saalim ayuu Taliska Ciidamada PSF sii baahiyay, wuxuuna ka hadlay halka uu ka yimid iyo sida uu kusoo gaaray gudaha Soomaaliya

Cabdalla Mustaf Abu-deyr (Saalim) ayaa sheegay inuu ka yimid magaalada Sakhniin ee Israa’iil, halkaasi oo uu Jaamacad kaga baranayay cilmiga Injineerinka, kadib wuxuu sheegay inuu isaga soo tegay, si uu ugu biiro Daacish-ta Soomaaliya.

Magacaygu waa Cabdalla Mustaf Abu-deyr, magacayga af-garashaduna waa Saalim, waxaan baran jiray kulliyada Injineerinka jaamacad ku taalla magaalada Sakhniin ee Israa’iil” ayuu yiri Cabdalla Mustaf Abu-deyr.

Sidoo kale wuxuu ka sheekeeyay qaabka uu kusoo gaaray Puntland, uguna sii gudbuay dhulka buuraha ee ay ku sugan yihiin kooxaha argagixisada ah, gaar ahaan Daacish.

“Waxaan soo gaaray buuraha Daacish ku sugan yihiin waxaana halkaasi igu sugayay 5 xubnood oo ka tirsan Daacish, waxayna i keeneen meel la dhaho Istiqbaal halkaasi oo aan tababar ku qaatay” ayuu sii raaciyay Abu-deyr.

Arrintan ayaa dhalisay hadal-heyn xoogan, iyada oo su’aallo ay ka yimaadeen sababta uu kusoo doortay Soomaaliya, isaga oo aadi karay waddamo kale ka dhow, sida dhulka Falastiin oo uu ka socda dagaal xoogan iyo xasuuq ay Israa’iil ku heyso shacabka Gaza.

Si kastaba, maalmihii u dambeeyay ayaa waxaa soo baxayay warbixino kala duwan oo sheegayay inay sii kordhiyaan tirada ajaaniibta ku biiraya Daacishta Soomaaliya ee haatan ku xoogan deegaanada maamulka Puntland, gaar ahaan dhulka buuraleyda ee gobolka Bari