FARMAAJO waxa uu dacwo ka yahay wixii uu shalay sameeyay [ Warbixin ]

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa walaac xooggan ka muujiyay farriinta ay dowladda kasoo saartay shirkii golaha wadatashiga qaran.

Inkasta oo ay dowladda sheegtay inuu shirka weli furan yahay oo la isku soo laabanayo 26-ka bishaan, haddana Farmaajo wuxuu shirka ku qeexay mid fashil iyo natiijo la’aan kusoo dhamaaday, taasina ay tahay mid niyad-jab iyo kala qeybin u horseedaysa shacabka Soomaaliyeed.

Wuxuu ku dheeraaday ka hadalka in maamullada laga hortaagan yahay inay doorasho qabsadaan iyo in madaxweyne Xasan Sheekh damacsan yahay inuu xukunka dheereysto, wuxuuna sheegay inay arrimahaasi sharci darrada ah walaac xooggan ku hayaan

Haddaba, aan eegno Xasan Sheekh iyo Farmaajo, eedaha sharci darrada ah iyo maamullada.

1. Sharci darrada xukun dheereysiga

Madaxweyne Xasan Sheekh waxaa hadda u dhiman hal sano iyo dhowr bilood, weli ma sameysan muddo kororsi wallow saan-saanteeda laga dareemayo hadda.

Farmaajo wuxuu xukunka si sharci darro ku joogay hal sano iyo saddex bilood, sidaas darteed Farmaajo ma ahan ninkii Xasan Sheekh ku cambaareyn lahaa doonista xukun dheereysi.

Farmaajo iyada oo laga diidan yahay, oo Xasan uu kamid ahaa dadkii ka diidanaa ayuu xoog ciidan ku dhaafiyay waqtiga illaa uu kursiga awood ku fadhiyay hal sano iyo saddex bilood.

Xasan Sheekh haddii uu isna halkaasi aado waa laga diidi doona inta ay jiitami doontana lama yaqaano.

2. Maamullada iyo dheelitir la’aanta

Xasan Sheekh wuxuu horey u lumiyay Puntland, haatana waxaa shirka ka baxday Jubbaland. Si tan lamid ah markii uu Farmaajo xukunka hayay waxaa golaha wadatashiga qaran ka maqnaa Puntland iyo Jubbaland.

Laakiin waxay ku kala duwan yihiin, Farmaajo iyada oo ay laba maamul ka maqan tahay ayuu go’aanno soo saari jirey, balse Xasan wax go’aan ah sooma saarin, maadaama shirka laba maamul ka maqan tahay.

3. Doorashada maamullada

Farmaajo waxa uu ka hadlay maamullada loo diidan yahay inay doorasho qabsadaan, iyaga oo dhaafay waqtigoodii rasmiga ahaa. Tani waa sharci darro, waana ku saxan yahay Farmaajo.

Laakiin markii dhinaca kala laga istaago Farmaajo wuxuu xoogay doorashada maamullada Galmudug, Koonfur Galbeed iyo HirShabelle, isagoo kuraasta ku fadhiisiyay dad aanay dadka deegaanka rabin, mana qaban doorashooyin furan.

Iyada oo la sugayo sida uu Xasan Sheekh u dhaqmi doono dhamaadka muddo xileedkiisa, haddana dhinacyada dastuur jabinta, dheelitir la’aanta golaha wadatashiga qaran iyo siyaasad xumada maamul goboleedyada wax badan isma dhaaman Xasan Sheekh iyo Farmaajo

Caasimadda Online