NISA oo soo bandhigtay raggii Shabaab u qaabilsanaa

Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka ee NISA ayaa gacanta ku soo dhigtay seddax nin oo halis ah oo ka tirsan Khawaarijta Al-Shabaab.

Ragaan ayaa ku howlanaa falal ka soo horjeeda amniga caasimadda Muqdisho, waxaana xogtooda iyo sawirradooda loo soo bandhigay warbaahinta.

Ciidanka Sirdoonka Qaranka ee NISA oo hayay xogta ragaan ayaa ku gulaystay in ay soo qabtaan Hubkii ay wateen, labo Mooto Bajaaj iyo Hal mooto Fekon ah oo ay u isticmaali jireen in ay ku baxsadaan marka ay fal amni darro geystaan.

Qoraal ka soo baxay NISA ayaa lagu sheegay in 3-daan nin ay ahaayeen Shabakad isku xiran oo Khawaarij ah.

Sidoo kale, qoraalka NISA waxaa lagu xusay in qaarkood horay loo qabtay, iyadoo lagu tuhmayo falalka lagu soo qabtay hadda, waxayna xiligaas ka shaqeynayeen qalqal-gelinta shacabka caasimadda, sida ay shaacisay NISA.

Waxaa jira xubno ka tirsan shabakadaan lasoo qabtay oo weli baxsad ah, kuwaas oo ciidamada ammaanka ay ku raad-joogaan sidii loo qaban lahaa, sida lagu cadeeyey qoraalka NISA.

Ciidamada ammaanka waxay u taagan yihiin xaqiijinta amniga iyo badqabka shacabka,” ayaa lagu yiri qoraalkaan ka soo baxay Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka ee NISA.

Maalmihii lasoo dhaafay waxaa gacanta ka baxay amniga caasimadda Muqdisho, waxayna Shabaab dileen ganacsatadii ugu badneyd, iyadoo cabsi badan ay soo wajahday shacabka.

Dadka shacabka ah waxaa dilaya Shabaab oo diidan in guryaha iyo goobaha gacansiga lagu xiro kaamirooyinka wax duuba, halka dowladda Soomaaliya ay dadka ku amreyso inay kaamirooyinka xirtaan.

Horjoogayaal Ka Tirsan Argagixisada Al-Shabaab Oo U Soo Gacan-galay Dowladda

Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa maanta howlgal qorsheysan kusoo qabtay laba xubnood oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab

Howl-galkan oo ka.dhacag deegaanno dhaca buuraleyd gobolka Baay ayaa waxaa si gaar ah u fuliyay guutada 8-aad, qeybta 60-aad ee ciidanka xoogga dalka.

Laba xubnood oo warbaahinta dowladda ay soo bandhigtay sawiradooda, iyaga oo wejiga duuban, ayaa waxay muddo ka tirsanayaan kooxda Al-Shabaab, iyaga oo muddooyinkii dambena ku dhuumaleysanayay deegaanada maanta laga soo qabtay.

Deegaanada Mooro Busto, Ceel sharif iyo deegaanka Ceel Mareer ee gobalka Baay ayaa ah deegaanada sida gaarka ah ay geesiyaasha xoogga dalka Soomaaliyeed ay howlgalka sida gaarka ah uga fuliyeen

Xubnahaan lasoo qabtay maanta ayaa waxaa haatan ku socda baaritaano dheeraad ah.

Dowladda Soomaaliya ayaa muddooyinkii dambe soo bandhigaysay xubno ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab oo ay soo qabteen ciidanka iyo kuwo iskood isku soo dhiiba, oo sheegay inay ka laabteen fikirkaas.

Gobollada dhexe ayaa waxaa haatan ka socda howl-gallo ka dhan Shabaab-ka, si looga saaro deegaanada ay weli ku harsan yihiin, xilli lasoo afmeerayo wejiga koowaad ee dagaalka.

Wejiga xiga ee dagaalka ayaa la filayaa inuu si rasmi ah looga sifeeyo deegaanada ay weli kooxda kaga harsan tahay maamulka HirShabelle iyo Galmudug, ayada oo loo gudbi doono maamullada Koonfur Galbeed iyo Jubbaland oo kooxda ku xoogan tahay.