Howgallo ka dhan ah Khawaarijta oo ka socda gobollada Shabeellooynka

Taliye ku-xigeenka Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed Jeneraal Cabdullahi Aadan Xuseen (Cirro) iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray deegaannadii dhawaan laga xoreeyey kooxaha Khawaarijta ah ee gobollada Shabeellaha Dhexe iyo Shabeellaha Hoose.

Howlgal Toddobaadyadii lasoo dhaafay Ciidanka Xoogga Dalka ay ka bilaabeen aagga deegaanka Xawaadley ee gobolka Shabeellada Dhexe ayaa lagu guuleystay in Khawaarijta looga xoreeyo deegaanada Maqdis, Jameeco, Shanlow, Busley, Dhagaxow, Raasqaboobe iyo Yaaqle.

Taliye Cabdullahi oo ku sugan deegaanka Yaaqle ayaa Warbaahinta Qaranka u xaqiijiyey in howlgalkaan oo ku socda saf-balaaran loo qorsheeyey in cadowga Khawaarijta ah muddo kooban looga sifeeyo deegaannada ay kaga dhuumaaleystaan gobollada Shabeellooyinka, waxaana howlgalka ka qeyb qaadanaya ciidamada dadka deegaanka iyo kuwa ATMIS.

Ciidanka Xoogga Dalka ayaa labadii todobaad ee ugu dambeysay daraasiin khawaarijta oo isugu jira horjoogayaal iyo maleeshiyaad ku khaarajiyay gobollada Shabeellooyina iyo Galgaduud, waxaana laga furtay hub farabadan, taasoo keentay in kuwa kale isoo dhiibaan.