Madaxweyne Xasan oo arrimo xasaasi ah kala hadlay Geelle

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa caawa lagu soo dhaweeyey magaalada Jabuuti ee dalka aan walaalaha nahay ee Jabuuti.

Wafdiga Madaxweynaha ayaa garoonka diyaaradaha waxaa ku soo dhaweeyey Ra’iisul Wasaaraha Jabuuti Mudane Cabdulqaadir Kaamil Maxamed iyo xubno ka tirsan Xukuumadda Dowladda Jabuuti.

Labada madaxweyne ayaa ka wada-hadlay xoojinta xiriirka labada dal, dagaalka adag ee lagula jiro kooxda Al-Shabaab iyo arrimaha ka taagan gobolka Geeska Afrika.

Sidoo kale madaxweyne Xasan Sheekh ayaa Geelle kala hadlay qorshaha bixista ciidamada ATMIS, maadaama haatan la diyaarinayo howlgal cusub oo ka bilaabanayo Soomaaliya.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa safarkaan ku soo maray dalalka Uganda iyo Burundi oo sida Jabuuti ay ciidamo ka joogaan Soomaaliya, wuxuuna lasoo galay heshiisyo culus oo qaarkood warbaahinta lala wadaagay.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa Kampala Uganda iyo Bujumbura Burundi ku tegay casuumaad uu ka helay madaxweynayaasha dalalkaas, waxaana kulamadii dhacay looga hadlay howlgalka ka socda Soomaaliya, gaar ahaan jiheynta ciidamada bedelaya ATMIS.

Labada dalba waxay Soomaaliya ka codsadeen inay u ogolaato inay ciidamadoodu ka sii howlgalaan Soomaaliya, maadaama dhamaadka sanadkaan la bedelayo howlgalka ATMIS.

Dowladda Soomaaliya ayaa ku jirta xulashada dalalka ay ciidamadu ka sii joogayaan dalka, waxaana qorshaha ku jirta in dhamaadka sanadkaan ay gabi ahaanba dalka ka baxaan ciidamada Itoobiya, maadaama labada dal ay qarka u saaran yihiin inay dagaalamaan.