Madaxweyne Xasan Sheekh oo caawa ka dagay Nairobi

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ku jira lugtii ugu danbeeysay safarro shaqo oo uu ku marayay dalalka gobolka ee qeybta ka ah howlgalka Nabad Ilaalinta Afrika ee Soomaaliya, ayaa gaaray Magaalada Nairobi, halkaas oo uu wadahadallo kula yeelan doono dhiggiisa kenya William Ruto.

Safarkaan uu ku jiro Xasan Sheekh ayaa gaar u ah dalalka qeybta ka ah howlgalka Nabad Ilaalinta Midowga Afrika ee Soomaaliya ka socda.

Xasan Sheekh ayaa waxaa caawa Nairobi uga bilaabanaya wadahadallo uu la yeelan doono dhiggiisa dalka Kenya Mudane William Ruto.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa safaradii kan ka horeeyey ku tegay dalalka Uganda, Burundi iyo Jabuuti, wuxuuna kulamo lasoo qaatay madaxda dalalkaas.

Qorshaha safarkaan ayaa salka ku haya isbedelka dhamaadka sanadkaan lagu sameynayo ciidamada ATMIS ee nabad ilaalinta u jooga Soomaaliya.

Itoobiya oo kamid ah dalalka ay ciidamadu ka joogaan Soomaaliya ayuu Xasan Sheekh ka saaray liiska dalalka uu safarkaan ku tegayo, sababtuna waa khilaafka ka dhexeeya labada dal