Dagaal jab culus lagu gaarsiiyay Al-Shabaab oo ka dhacay Galgaduud

Wararka naga soo gaaraya gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in maanta uu ka dhacay dagaal culus oo lagu jabiyay maleeshiyaadka kooxda Al-Shabaab oo isku dayay inay soo weeraraan ciidamada ku sugan furimaha hore.

Dagaalka ayaa yimid, kadib markii ay Al-Shabaab ay weerar saddex jiho ah kusoo qaadeen deegaan u dhexeeya Budbud iyo Bood, waxaana kadib dagaal kala hortegay ciidamada dowladda iyo kuwa dadka deegaanka oo ka war helay dhaq-dhaqaaqa Al-Shabaab.

Wararka ayaa sheegaya in dagaalkan looga dilay Al-Shabaab illaa 10 xubnood, sidoo kalena looga dhaawacay tiro kale oo intaasi ka badan.

Guddoomiyaha deegaanka Budbud oo la hadlay warbaahinta ayaa ka hadlay weerarka iyo dagaalka xigay, wuxuuna sheegay in ciidamad huwanta ay ka gaareen guulo waa wayn.

Dagaalka wuxuu ka dhacay meel u dhexeysay Bood iyo Budbud, waa la jabiyay nimanka cadowga, waana la raacdeeyay” ayuu yiri guddoomiyaha degaanka uu dagaalka ka dhacay.

Sidoo kale wuxuu sii raaciyay “Hadda waa u diyaarsanahay inaan ka hortagno weerar kasta oo ka yimaado Al-Shabaab, waxaana sii wadi doonaan howlgallada”

Xaaladda ayaa haatan kacsan, mana jiro wax hadal ah oo kasoo baxay dhanka kooxda Al-Shabaab oo ku aadan dagaalka maanta ka dhacay gobolka Galgaduud.

Gobollada dhexe ee dalka ayaa waxaa weli ka socda howlgallo ka dhan ah maleeshiyaadka Al-Shabaab, waxaana badanaa ka dhaca dagaallo gaysta khasaarooyin kala duwan.