Xildhibaannada BF oo maanta ansixiyay heshiisk

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BFS Sheekh Aadan Madoobe oo ay wehliyaan guddoomiye ku-xigeenka 1-aad ee golaha Sacdiya Yaasiin Xaaji Samatar iyo guddoomiye ku-xigeenka 2-aad Cabdullaahi Cumar Abshirow ayaa shir guddoomiyay kulanka guud ee golaha shacabka.

Ugu horeyn Hab-dhowraha golaha shacabka Xildhibaan Maxamed Cabdullaahi Xasan Nuux ayaa dhaariyay ra’iisul wasaare ku-xigeenka labaad ee xukuumadda federaalka Soomaaliya iyo xubnaha cusub ee golaha Wasiiradda.

Intaasi ka dib mudanayaasha Golaha Shacabka ayaa u codeeyay heshiiska Qaramada Midoobay ee la-dagaalanka dambiyada abaabulan ee isaga kala gudba qaramada iyo baratakooladiisa.

Heshiiska ayaa ogolaatay oo u codeeyat 138-Xildhibaan, laba Xildhibaan ayaa diiday, halka ay saddex Xildhibaanna ka aamustay.

Sidoo kale Xildhibaanadda Golaha Shacabka ee baarlamaanka dalka ayaa u codeeyay hindise sharciyeedka dhisidda hay’adda maalgashiga Soomaaliyeed.

Sharcigan ayaa waxaa ogolaatay 140-Xildhibaan oo u codeeyay, halka uu hal Xildhibaan diiday, waxaana ka aamustay laba Xildhibaan.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo kulanka soo xiray ayaa Xildhibaanadda uga mahad-celiyay ansixinta heshiiska Qaramada Midoobay ee la-dagaalanka dambiyada abaabulan ee isaga kala gudba qaramada iyo baratakooladiisa iyo sidoo kale hindise sharciyeedka dhisidda hay’adda maalgashiga Soomaaliyeed