Soomaaliya oo loo ansixiyay $100 Milyan iyo waxa lagu qabanayo

Soomaaliya ayaa maanta loo ansixiyay mashruuc ballaaran oo ay ku kaceyso illaa 100 Milyan oo doollar, kadib shirweyne ka dhacay mgaalada Incheon Songdo ee dalka Kuuriyada Koonfureed.

Shirkan o ayaa waxaa Soomaaliya uga qayb-gashay wasiirka wasaaradda deegaanka iyo isbedelka cimillada Soomaaliya Marwo Khadija Mohamed (Al-makhzoumi) iyo wafdi ay hoggaamineyso, wuxuuna ahaa Kalfadhiga 40-aad ee guddiga sare ee Sanduuqa Green Climate Fund.

Inta uu socday shirka ayaa waxaa lagu ansixiyey $100 milyan oo doollar, taasi oo lagu fulinayo mashruuc kor loogu qaadayo adkeysiga cimillada ee bulshada Soomaaliyeed.

Khadija Al-makhzoumi oo madasha ka hadashay ayaa sheegtay in mashruucan uu yahay kii ugu horreeyay ee loo ansixiyo Soomaaliya, uuna ku yimid dadaalka xukuumada DanQaran.

“Taariikh ayey aheyd maanta kadib markii uu mashruucani noqday kii ugu horeeyey ee gaar loogu ansixiyo dalka Soomaaliya iyo sidoo kale waa mashruucii ugu deg degta badnaa ee abid lagu ansixiyo kulanka Guddiga Sare ee GCF! , waxaana tani ay ku timid dadaalka Xukuumadda Dan-Qaran oo kaashaneysa bahwadaagta Caalamiga ah ” ayey tiri Khadija.

Sidoo kale waxa ay hoosta ka xariiqday inay sii wadi doonaan dadaalkooda ku aadan wax ka qabashada dhibaatooyinka ka dhasha isbeddalka cimilada ee Soomaaliya, ayna sii xoojin doonaan iskaashiga gudaha iyo dibadda, si xal loogu helo dhibaatooyinka haatan taagan.

“Soomaaliya waxa ay la timid ka go’naan wax loogu qabanayo dhibaatooyinka doorsoonka cimilada, waxaana naga go’an inaan xoojinno iskaashiga gudaha iyo kan dibadda si loo fuliyo mashaariic waxtar u leh dadka iyo deegaanka Soomaaliyeed ” ayau sii raacisay.

Dowladda federaalka ayaa haatan wadda dadaallo dheeraad ah oo ku aadan isbeddalka cimilda iyo ka hortegga in la wasaqeeyo deegaanka, iyada wasaaradda u xil saaran arrimahan ay soo saartay go’aan lagu mamnuucay bacaha halka mar la isticaamlo