DF Somalia oo dalka dib ugu soo celisay dhallinyaro sanado ku xirnaa

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta dalka dib ugu soo celisay dhalinyaro badan oo Soomaaliyeed oo muddo ku xirnaa xabsiyada dalka Liibiya, kuwaas oo laga kala dajiyay garoomada diyaaradaha ee Muqdisho iyo Hargeysa

Dhalinyaradan oo dhibaatooyin adag kala soo kulmay magafaha Liibiya ayaa tiradooda waxa ay gaarayaan 164, waxaana laga soo saaray xabsiyada dalka Liibiya.

Wasiirrada Arrimaha Dibedda, Arrimaha Gudaha, Warfaafinta, Batroolka, Amniga, Taliyaha Booliska iyo Ergeyga Xafiiska Madaxweynaha JFS ugu qaabilsan Arrimaha Soogalootiga iyo Xuquuqda Carruurta ayaa maanta garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ku soo dhaweeyay dhalinyardan Soomaaliyeed oo keenistooda dagaal badan ay gelisay dowladda.

Illaa 109 kamid ah dhalinyaradan ayaa laga soo dejiyay magaalada Muqdisho, halka 55 qof oo kale laga dejiyay garoonka diyaaradaha magaalada Hargeysa, maadaama ay kasoo jeedaan deegaanada Somaliland.

Sidoo kale waxaa dowladda Soomaaliya ay sheegtay in laga war heyn doono dhalinyaradaan, illaa inta ay kala midoobayaan qoysaskooda.

Dowladda Soomaaliya ayaa dadaal dheer u gashay soo badbaadinta dhallinyaradaan oo muddo dheer ku dhibaateysneyd xabsiyada dalka Libya, iyagoo gacanta u galay kooxo Magefayaal ah, waxaana hadda lagu guuleystay in dib loogu soo celiyo dalkooda Hooyo.