Wasiirka tamarta Turkiga oo gaaray Muqdisho xilli Markabka Oruc uu soo gaaray Biyaha Somalia

Wasiirka Tamarta iyo Kheyraadka Dabiiciga dalka Turkiga Dr. Alparslan Bayraktar iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta soo gaaray magaalada Muqdisho.

Wasiir Bayraktar iyo wafdiga uu hoggaaminayo ayaa ka qeyb-galaya munaasabadda soo dhaweynta markabka shidaalka sahminaya ee Oruç Reis, kaasi oo saaka ku soo xirtay dekedda Muqdisho

Wasiirka batroolka xukuumadda Soomaaliya Cabdirisaaq Cumar iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan dowladda Soomaaliya ayaa wafdigan kusoo dhaweeyay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde.

“Imaatinka Mudane Baytaktar iyo wufuudda kale ee illaa shalay dalka soo gaarayay ayaa caddeyn u ah sida ay dhacdada maanta loo taagan yahay u noqonayso daahfurka marxalad cusub oo horumar ku soo kordhinaya xiriirka iskaashiga dhaqaale ee labada dal;” ayuu yiri wasiirka batroolka.

Markabka Oruç Reis ayaa horraantii bishan xeebaha Turkiga waxaa ka soo sabootiyey madaxweyne Recep Tayyip Erdogan iyo wasiirka batroolka XFS Cabdirisaaq Cumar Maxamed.

Markabkaan ayaa Soomaaliya wuxuu ka fulinayaa baaritaan (3D seismic) saddex aag oo gaar ah kana kooban 15000 KM2 Square.

Sidoo kale wuxuu howl-galkiisu qaadan doonaa qiyaastii toddoba bilood, si uu sahmin uga sameeyo Soomaaliya.

Waxaa kale oo uu sameyn doonaan xog uruurin ku saabsan sahminta saliidda iyo gaaska dabiiciga ah, taas oo hagi doonto howlaha qodista ee mustaqbalka shidaalka Soomaaliya.

Imaatinka markabkan ayaa wuxuu daba socdaa heshiiska iskaashi tamar ee labada dal kala saxiixdeen, kaas oo la xiriiray shidaal baarista iyo soo saarista, waxaana Turkiga uu ogolaansho u haystaa saddex goob oo kamid ah badda Soomaaliya.