Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa Dakadda Muqdisho kaga qeybgalaya Munaasabada Soo dhaweenya Markabka ORUC REIS

SOMALIA oo wax badan sugeeysay Inay aragto soo saarista shidaalka dalkeeda ayaa haatan waxay cagta la heshay wadada horumarka

Daahfurka marxalad cusub oo horumar ku soo kordhinaya Somalia ayaa hada ka bilaabmay Dakadda weeyn ee Magaalada Muqdisho

Madaxweynaha Somalia Dr: Hassan Sheikh Mohamud ayaa ka qeybgalaya Munaasabad lagu qabtay Dekedda Muqdisho oo lagu soo dhaweynayo Markabka ORUC REIS oo maalmaha soo socda bilaabaya sahminta shidaalka Somalia

Madax ka tirsan dowladaha Somalia iyo Turkiga ayaa ka qeybgalayxafalada soo dhaweynta Markabka ORUC REIS oo saakay ku soo xirtay Dakadda Muqdisho.

Somalia Iyo Turkiga ayaa ku heshiiyay xiriir iskaashi dhaqaale oo labada dal;” ah iyadoo Markabka Oruç Reis uu Soomaaliya ka fulin doono baaritaan (3D seismic) oo saddex aag ah kana kooban 15000 KM2 Square.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Madaxtooyada Qaranka ku qaabilay, Wasiirka Tamarta iyo Kheyraadka Dabiiciga ah ee Jamhuuriyadda Turkiga, Dr. Alparslan Bayraktar iyo wafdi uu hoggaaminayo, kuwaasi oo ka qeybgalaya Munaasabadda taariikhiga ah ee soo dhawaynta Markabka Oruc Reis ee howlaha shidaal sahminta ah u yimid dalkeenna.

Kulanka Madaxweynaha Jamhuuriyadda iyo mas’uuliyiinta dowladda Turkiga, waxaa ka qayb galay Ra’iisulwasaaraha XFS mudane Xamse Cabdi Barre iyo xubno ka tirsan Golaha Wasiirada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.