18 Jir Soomaali ah oo lagu dilay Mareykanka iyo dad laga shakisan yahay oo Aaskiisa lagu arkay

Magaalada Columbus ee gobolka Ohio ayaa Axaddii shalay goobjoog ka noqotay aas loogu sameeyay Maxamed Cabdiraxman oo ahaa wiil Soomaali ah, 18 jir, kaas oo Jimcihii lagu toogtay magaalada.

Maxamed, oo la sheegay in uu ku sugnaa goob u dhow meel uu badanaa ku ciyaari jiray kubadda koleyga (Basketball), ayaa waxaa dilkiisa la xiriiriyay kooxo hubeysan oo ku wajahnaa dhinaca bari ee magaalada, halkaas oo dilka uu si gaar ah uga dhacay.

Sida laga soo xigtay warar lagu kalsoon yahay, kooxo looga shakisan yahay inay dilka wiilkaasi ku lug lahaayeen ayaa lagu arkay qabuuraha xilligii aaska, taas oo abuuray cabsi iyo qalqal ku yimid dadkii ka qaybgalay tacsida.

Walaaca ayaa cirka isku shareeray markii qaar kamid ah dhalinyaradii goobta joogtay ay isku fara saareen goobtii aaska, iyagoo midba midka kale ku eedeynayay inuu qeyb ku lahaa falka dilka ah ee lagula kacay marxuumka.

Dilka Maxamed Cabdiraxman ayaa ka mid ah dhacdooyinkii ugu dambeeyay ee muujinaya dhibaatada sii xoogeysaneysa ee ay wajahayaan dhalinyarada Soomaaliyeed ee ku nool Mareykanka, gaar ahaan Columbus oo ka mid ah magaalooyinka ay Soomaalidu ku badan tahay.

Madax ka tirsan bulshada Soomaalida Columbus, oo ay kamid tahay Xarunta Talowadaag, ayaa sheegay in isku dhacyada iyo dilalka dhalinyarada Soomaaliyeed ee magaalada ay sii badanayaan.

“Dilalka noocan oo kale ah waxa ay bulshada ku reebeen dareen murugo leh oo kor u qaaday walaaca waalidiinta iyo dadka deegaanka,” ayuu yiri mid ka mid ah hogaamiyeyaasha.

Dhibaatooyinka abaabulan ee dhalinyarada iyo isticmaalka maandooriyaha ayaa si xawli ah ugu kordhaya bulshada, waxaana arrintani dhalisay in maamulka deegaanka uu kordhiyo dadaalka la xiriira amniga iyo la dagaalanka maandooriyaha.

Tobankii sano ee ugu dambeeyay ayaa la diiwaangeliyay in boqolaal dhalinyaro Soomaali ah oo da’doodu u dhexeyso 16 ilaa 25 ay ku dhinteen dhibaatooyinka ka dhasha isticmaalka maandooriyaha iyo isku dhacyada hubeysan ee dhallinyarada dhexdeeda.

Xaalada ayaa ah mid walaac weyn leh oo u baahan in degdeg wax looga qabto si loo yareeyo khasaaraha iyo nolosha dhalinyarada Soomaaliyeed ee halista ku jirta.

Maamulka Ohio iyo hogaamiyeyaasha bulshada Soomaalida ayaa u ololeynaya qorshayaal lagu xakameynayo isticmaalka maandooriyaha, iyo in dhalinyarada loo abuuro fursado kale oo waxbarasho iyo shaqo si ay uga fogaadaan falalka hubaysan iyo khatarta kale ee soo wajahda.