Somali ,Kikuyu iyo Oromo ayaa ka mid noqonaya luuqadaha asaliga ah ee Afrikaanka ee hadda laga heli karo Google Search and Translate

Somali ,Kikuyu iyo Oromo ayaa ka mid noqonaya luuqadaha asaliga ah ee Afrikaanka ee hadda laga heli karo Google Search and Translate iyada oo shirkadda weyn ee teknoolojiyadda ay ku dhawaaqday inay kordhinayso diiradda helitaanka tignoolajiyada qaaradda.

Shirkada Google ayaa ku dhawaaqday 15 luqadood oo Afrikaan ah oo dheeri ah oo lagu kordhinayo madasha tarjumaad taasoo ku xiraysa in ka badan 300 milyan oo Afrikaan ah adeeggan, oo guud ahaan noqon kara 25 luqadood oo qaaradda ah sida uu goor dhaweyd shaaca ka qaaday maamulaha shirkada Google Afrika Alex okosi

“Maanta, waxaan ku dhawaaqnay inaan bilownay soo bandhigista 15 luqadood oo Afrikaan ah oo ku baahsan Raadinta Codka, ku-hadal-nooca Gboard iyo Google Translate ayuu yiri okosi oo sheegay in Tignoolajiyada codka ayaa awood siinaysa shakhsiyaadka inay la falgalaan shabakada oo ay ula xiriiraan asxaabtooda iyo qoyskooda

“Talaabadan ayaa ah hindise adag oo lagu doonayo in teknoolajiyada lagu gaarsiiyo dadka afrikaanka ah iyada oo dad badan lagu dhiiri galinayo in ay helaan internet-ka guud ahaan qaaradda Afrika Madaxa Shrkadda weeyn ee Google ayaa sidaas yiri”

Markii ugu horeysay, in ka badan kala bar dadka afrikanka ah ayaa heli doona internetka Iyadoo dad ka badan 300 milyan oo khaarada ah ay ku dhib qabaan ama ay si ciriiri ah ku helaan Isticmaalka ay u baahan yihiin ee tignoolajiyada, halka sirdoonka macmalka ah oo keliya ay suurtagal tahay in uu ku biirin karo $30 bilyan dhaqaalaha Afrikada Saxaraha ka hooseeya