Rajoxumada Itoobiya waxay u quusgooysay riyada gooni-u-goosadka !!

By/ Elmi Osman Farah Boodhari

“Hadaan anaga ku guuleeysan weeyno hiigsiga yoolkeena Bada Cas Ubadkeennu waa ay dhici doonaan, si ay u dhameeystiraan riyadeena”➡️ weerahaan ayaa ka mid ah hadalo isburinaya oo uu shalay ku dhawaaqay R/wasaaraha Itoobiya kaas nuxurkiisa marka la soo ururiyo uu yahay Abiy Axmed oo Mustaqbalka u daayay In Itoobiya ay bad hesho iyo In kale

Dowladda Soomaaliya ayaa fashilsay damaca qorshe ku darsi oo xadgudubka ku ahaa Midnimadda dhuleed ee dalkeeda Iyadoo ereyada calaacalka ah ee ka soo yeeray Abiy Axmed ay ka deyrinayaan dhaqangalinta Isafgaradka galitaanka bada cas ee horaantii sanadkan ay Itoobiya la gashay gooni-u-goosadka gobolka Waqooyiga Somalia ee Somaliland.

Tani waa muujin kale oo cadeeyneysa sida guulaha Istaraatijiyada siyaasadeed ee Madaxweyne Xasan Sheekh ay uga taqalustay Isafgaradkii ay Muqdisho ka carootay ee Abiy iyo Muusa biixi.

Ethiopia oo markii hore taagneyd wado kasta ha u martee in ay qasab tahay sidii ay u gaari laheyd bada cas ayaa hada waxa ay lumisay ka mid ahaanshaheedii howlaha nabad ilaalinta Soomaaliya iyadoo dowladda federaalka Soomaaliya ay ku dhawaaqday in aysan Itoobiya ka mid noqon doonin howlgalka cusub ee AUSSOM xili Masar ooy isku hayaan biyaha Wabiga Nile ay qeyb ka tahay qorsha taageerada iyo xasilinta nabada Soomaaliya ee Midowga Afrika.

Inkastoo ay jirto isweeydiin ku aadan damaca baddraadinta Itoobiya ma horseedi karaa isku dagaal gobolka ka dhaca hadana

Tan iyo markii Itoobiya ay u dhaqaaqday inay wado sharcidaro u marto galitaanka bada cas waxaa sii xoogaysanayay xiisada kala dhaxeeysa dariskeeda ooy ku jiraan Soomaaliya, Eritrea Iyo Sudan iyadoo kicinta daganaashiyo la,aanta gobolka uu masrax u yahay kalitaliyaha maamulka Adisababa oo heysta Abaalmarinta nabadda ee Nobel Peace Prize