SHiikh Shariif Ayaa Ku Booriyay Sii,hayaha Xukuumada In Heshiiska La Gaaray Uu Noqdo Mid Hirgala

February “25” 2021 ” Muqdisho-

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheikh Axmed ayaa sheegay in wada hadalka ay la yeesheen Xukuumadda uu ahaa mid muhiim ah, oo  kusoo aaday waqtigii loo baahnaa, waxaana intaa ku daray in uu jiro isu soo dhawaasho labada dhinac ah oo ka dhexeeya Dowladda dhexe iyo Midowga musharixiinta, taasi oo gogol xaar u ah in dalka doorasho lays la oggol yahay ay dhacdo.

XAYEEYSIIN”

Shariif Sheikh Axmed ayaa intaa ku daray in dhammaan qodabadii ay ka wada hadleen ay isku af-garteen, ayna wixii hadda ka dambeeya ay si toos ah u guda gali doonaan sidii loo fulin lahaa heshiiska ay wada gaareen  ee ay kasoo saareen war murtiyeedka.

Shirkii ay yeesheen Midowga Musharixiinta iyo Xukuumadda Federaalka ayaa waxaa laga soo saaray Qodobbo dhowr ah, kuwaasi oo ay isku raaceen Mas’uuliyiintii tan iyo Galabta ilaa caawa ku shirsanaa Hoteel Decale, kaasi oo ay ka qayb ahaayen qaar ka mid ah Musharixiinta mucaaradka, RW Rooble iyo Madaxweynayaasha Galmudug iyo Hir-Shabeelle, waxaana kasoo abxay war-murtiyeed ay si wada jir ah usoo saareen labada dhinac

Leave a Reply