Boosaaso” Howlgal lagu Soo qabtay dad la Tuhunsan Yahay

7″ March ” 2021″ BOOSAASO

Wararka ka imanaya magaalada Boosaaso ee gobolka Bari ayaa sheegaya in ciidamada ammaanka DG Puntland aya xalay howlgallo qorsheysan ka sameeyeen xaafadaha magaalada Boosaaso ayna boqolaal ruux oo u badan dhalinyaro ku soo qabteen.

Howlgalkan ayaa yimid kadib markii dhowaan uu Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni uu amray in lasoo qabto dadka lagu tuhmayo in ay katirsan yihiin ama xiriir shaqo kala dhaxeyso Al-Shabaab iyo Daacish si loo mariyo baaris lagu hubinayo.

Dadkan lagu soo qabqabtay howlgaladan ayaa la sii daay qaar ka mid ah halka kuwo badana ay ciidamada ammaanka ay ku wadaan baaritaano.

Sidoo kale ciidamada ammanka Puntland ayaa waxa ay howlgalo ka fuliyeen hareeraha magaalada iyadoo halkaasi laga baadigoobayo maxaabiistii ka baxsatay xabsiga Boosaaso ay dagaalamayaal ka tirsan Alshabaab weerareen dhowaan.

Ururka Alshabab ayaa sheegtay in dhammaan maxaabiistii ku xirneyd xabsiga Boosaaso ay sii daayeen hase ahaatee Maamulka Puntland ayaa sheegay inay gacanta ku soo dhigeen inta badan maxaabiistii ku xirneyd xabsiga

Leave a Reply