25″ April “2021” MUQDISHO
Waxaa goor dhow ka bilowday dagaal xoog leh agagaarka isogyka KM4 ilaa aaga Taleex,iyadoo dagaalkana uu yahay mid la adeegsanayo hubka noocyadiisa kala duwan.
Dagaalka ayaa la sheegay inuu yahay mid u dhexeeya ciidamada dowlada iyo kuwa ka soo horjeeda.
Aagga dagaalka uu ka bilowday ayaa waxaa hoy ka sameystey dhowaan musharax Cabdiraxmaan Cabdishakuur.
Musharax Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa bartiisa Facebook soo dhigey qoraal uu ku sheegayo in hoygiisa ay soo weerareen ciidamo ka amar qaata Farmaajo.
“Ciidanka Farmaajo ayaa weerar ku soo qaaday hoyga aan ka deganahay Magaalada Muqdisho. Waxaan horay uga dignay in ciidanka loo adeegsado siyaasada. Waxaa ila jooga xildhibaano iyo siyaasiyiin iigu yimid afur iyo wadatashi. Wixii dhib ah ee ka yimaada weerarka waxaa qaadaya Maxamad Farmaajo.”ayuu ku yiri qoraalka

Dagaal xoog leh ayaa ka socda degmada Cabdulcasiis gaar ahaan aagga ay degen yihiin Musharaxiinta Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Shariif Sheekh Axmed.
