25″ April ” 2021 Muqdisho CUSBOONEEYSIIN
Waxaan si adag u cambaareynayaa weerarada qaar kamid ah ciidamada dowladdu ay ku qaadeen guryaha Madaxweynihii hore ee dalka Hassan Sheikh Mohamud iyo hogaamiyaha Xisbiga wadajir Abdirahman Abdishakur Warsame.
Dhibaatada weerarkaas ka dhalata mus’uuliyadeeda waxaa qaadaya madaxweynaha muddo xileedkiisa dhamaaday Maxamed Cabdulaahi Farmaajo.
Waxaan ugu baaqayaa ciidamada qaranka in aysan qaadan amarada khaldan ee lidka ku ah sharciga ciidanka iyo sharuucda kale ee dalka u degsan iyadoo aan uga digayno ciidamada in aysan ku milmin siyaasadda.
Qoraal uu soo dhigey bartiisa Facebook ayuu ugaga hadlay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed waxana qoraalkiisu uu u qornaa
Waxaan si adag u cambaareynayaa weerarada qaar kamid ah ciidamada dowladdu ay ku qaadeen guryaha Madaxweynihii hore ee dalka Hassan Sheikh Mohamud iyo hogaamiyaha Xisbiga wadajir Abdirahman Abdishakur Warsame.
Dhibaatada weerarkaas ka dhalata mus’uuliyadeeda waxaa qaadaya madaxweynaha muddo xileedkiisa dhamaaday Maxamed Cabdulaahi Farmaajo.
Waxaan ugu baaqayaa ciidamada qaranka in aysan qaadan amarada khaldan ee lidka ku ah sharciga ciidanka iyo sharuucda kale ee dalka u degsan iyadoo aan uga digayno ciidamada in aysan ku milmin siyaasadda.

BAAQA MIDOWGA MUSHARAXIINTA
Midowga Musharixiinta ayaa war kasoo saaray weerar la sheegay in lagu qaaday Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud.
War-saxaafadeed ay soo saareen Midowga Musharixiinta ayaa waxaa ay ku sheegeen in ay cambaaraynayaa weerar ay sheegeen in uu kusoo qaaday Madaxweyne farmaajo hooyga uu muqdisho ka daggan yahay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya.
Horay Dowladda Soomaaliya ayaa u sheegtay in aysan waxba ka jirin wararka sheegaya in la weeraray hooyga Xasan Sheikh.
Hoos ka aqriso War-saxaafadeeka

