10″ Aug” 2021″ Garoowe
Guddoomiyaha Golaha Wakiillada maamul goboleedka puntland Mudane, Cabdirashiid Yuusuf Jibriil ayaa magacaabay Guddiga Qabshada Doorashada Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federalka Soomaaliya.
Xubnaha Kuraasta aqalka sare ku metelaya deegaamada Puntland baarlamaanka Federaalka Soomaliya ayaa la filaya in doorashadoodu maalmaha fooda inagu soo haya ka qabsoonto Garoowe.

Inta badan Xildhibaanadii hore ee Aqalka Sare u matalayey Puntland ayaa la bedalay marka laga reebo xubno kooban oo uu kamid yahay Madaxweynihii hore ee Puntland Cabdiraxmaan Faroole.
Murashaxiinta u tartameysa 11ka kursi ee Puntland laga soo doorto ayaa waxaa kamid ah xubno xilal kala duwan kasoo qabtay Dowlad Gobaleedka Puntland.

