Monday “13” September “2021” Bbcsomali
Waxaa isa soo taraya cadaadiska dowladda lagu saarayo inay faahfaahin ka bixiso kiiska Ikraan Tahliil Faarax oo ka tirsaneyd hay’adda sirdoonka iyo Nabad sugidda Soomaaliya (NISA).
Gabadhaas oo laba bilood ka hor la afduubtay waxaa qoraal dhowaan soo baxay lagu sheegay in “Al-Shabaab ay gacanta u gashay, ka dibna ay dileen”.
Ururka Al-Shabaab iyo waalidiinta Ikraan ayaa beeniyay arrintaas. Waxayna taa dhalisay hadal-hayn aad u badan.
Waaliddeenteeda waxay sheegeen in aysan ku qanacsaneyn warka dowladda ka soo baxay isla markaana ay codsanayaan inay helaan caddaaladda.
Waxaa Soomaaliya ku sugan wafddi ka socda Qaramada Midoobey oo ay hoggaamineyso Ku Xigeenka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Amina Jane Maxamed oo kulamo kala duwan la yeelatay masuuliyiinta dowladda.
Amina Jane Maxamed oo wax laga weydiyay kiiska Ikraan, waxay ku jawaabtay, “in sarreynta sharciga iyo helitaanka caddaaladda ay muhiim u yihiin ka hortagga rabshadaha waana xuquuqda haweenka oo dhan”.
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble, ayaa wafddiga Qaramada Midoobey u sheegay inay mas’uuliyad ka saaran tahay sidii ay caddaaladda ku heli lahayeen qoyska Ikraan Tahliil.
Wuxuu sheegay in ‘in aysan habbooneyn in la siyaasadeeyo kiiska Ikraan” sida uu baahiyay xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.
Waxaa cirka isku sii shareerayay khilaafka iyo muranka ka dhashay kiiska Ikraan Tahliil Faarax oo sidoo kale ka soo shaqeysay xafiiska Gudoomiyaha Gobolka Banaadir, xilligii Yariiso uu ahaa maayarkii magaalada, kaas oo ku dhintay qarax ka dhacay xafiiskiisa.
Khilaafka kiiiska Ikraan wuxuu bilowday markii Ra’iisul Wasaaraha uu shaqo joojin ku sameeyay taliyaha sirdoonka Soomaaliya, Fahad Yaasin, tallaabadaas oo ahayd mid uu madaxweyne Farmaajo diiday. Ka dib Fahad waxaa loo magacaabay La-taliyaha madaxweynaha ee dhanka amniga.
Aabaha dhalay Ikraan Tahliil ayaa madaxweynaha ku eedeeyay “in uu hor istaagayo” kiiska Ikraan in “cadaalad loo helo”.
Wuxuu ka codsaday hay’adda Nisa in gabadhooda haddii ay nooshahay ay xoriyaddeeda dib usoo celiyaan ama meydkeeda ay siiyaan haddii la dilay.
“Waxaan ka rabnaa hay’adda NISA haddii ay hayaan Ikraan iyadoo nool in si degdeg ah ay xornimadeeda ugu soo celiyaan, haddii la dilay in meydkeeda lana siiyo si aan u aasno,” ayuu yiri Tahliil Faarax oo u warramayay teleefishinka Universal.
Tahliil Faarax wuxuu intaa ku daray in kiiska Ikraan aanan lagu dhameyn doonin qaab wadahadal ah balse ay doonayaan “in cadaalladda ay horkeenaan dadka lagu helo in ay ka dambeeyeen dilka gabadhooda.”
Dhawaan ayay aheyd markii dowladda Soomaaliya ay sheegtay in Ikraan Tahliil oo in muddo la la’aa ay gacanta u gashay Shabaab isla markaana ay dileen.
- 4 arrimood oo xal u noqon kara khilaafka Farmaajo iyo Rooble
- 3 arrimood oo ku saabsan Ikraan Tahliil arrinteeda
- Agaasimihii Hay’adda Sirdoonka Soomaaliya oo shaqada ka tegay
Dowladda wax faahfaahin kama aysan bixin sida uu u dhacay dilka Ikraan ama halka uu ku dambeeyay meydkeeda.
Qoyskeeda waxay codsanayaan in dowladda jawaab faahfaahsan ka bixiso qaabka uu u dhacay dilka iyo in caddaaladda la horkeeno dadkaa ka dambeeyay falkaas.
Shabaab waxay dhankooda sheegeen in “aysan dilin Ikraan ayna la fajaceen marka ay maqleen dilka gabadhaas iyo in iyaga loo sarinaya”.
Sidaa darteed waxaa la is weydiinayaa yaa dilay Ikraan, meydkeydase aaway, yaase abaalay gorma ayaase la xabaalay?
Waa Tuma Ikraan?
Ikraan waxay bishii August ee sanadkii 1996-kii ku dhalatay magaalada Muqdisho. Waxay ka mid tahay dhallinyarada dibadda wax kusoo bartay kaddibna dalka dib ugu soo laabtay.
Waxayna khibrad in muddo ah u lahayd shaqooyinka xafiisyada dowladda iyo laamaha amniga.
Gabadhan ayaa in ka badan shan sano ka hor ku biirtay hay’adda Nabad sugidda ama Sirdoonka Qaranka Soomaaliya ee NISA, iyadoo ahayd madixii amniga internet-ka ee ha犀利士 y’addaas.
Markii ugu horreysay ee ay NISA ku biirtay waxay ahayd sanadkii 2017-kii, sida uu warbaahinta u sheegay taliyihii hore ee sirdoonka Soomaaliya, Cabdullaahi Maxamed Cali San Baloolshe.
Kaddib waxay ka shaqo billowday xafiiskii guddoomiyihii gobolka Banaadir iyo Duqa Magaalada Muqdisho oo ay agaasime ka ahayd.
Xoogaa kaddib Soomaaliya ayay ka baxday Ikraan inkastoo ay mar kale dib ugu laabatay. Hooyadeed waxay sheegtay in markii ay baxday ay aqoon kororsi u aadday dalka Ingiriiska.
2-Sida lagu “afduubay”
Inta badan wararka la isla dhex marayo waxay sheegayeen in Ikraan la afduubtay, inkastoo aan si rasmi ah loo ogeyn cidda afduubatay, marka laga soo tago eedeymaha.
Gabadhan hooyadeed, Qaali Maxamuud Guhaad, ayaa sheegtay in gabadheeda iyadoo joogta guri u dhow xarunta nabad sugidda lasoo wacay kaddibna gaari lagu kaxeeyay.
Guriga ay ku sugneyd wuxuu ku yaallay agagaarka xarunta Nabad sugidda, oo ah goob amnigeeda si weyn loo ilaaliyo.
- 3 arrimood oo ku saabsan Ikraan Tahliil, gabadhii la waayay
- Maxaa ka jira eedeymaha sheegaya in ganacsatadu ay lacag siiso Shabaabka?
- Wariye ka tirsan BBC: Maalintii uu Injineer Yariisoow iga badbaadiyay nin Bambo watay
Qaali Maxamuud oo waddanka Turkiga uga timid si ay gabadheeda u raadiso ayaa shir jaraa’id warbaahinta ugu qabatay magaalada Muqdisho, waxayna dowladda ka codsatay in laga caawiyo sidii ay gabadheeda dib ugu heli lahayd.
“Aniga in sida ugu dhaqsiyaha badan wax la iila qabto ayaan rabaa, oo gabadheyda meesha ay ku jirto laga soo bixiyo. Gabadheyda meel dheer ma jirto, ma dhoofin, baasaboorkeeda aniga ayaa haayo, waddankaan ayay ku jirtaa, magaalada Muqdisho ayaa meel laga galiyay, ha la ii soo bixiyo,” ayay tidhi Qaali Maxamuud oo ah gabadha maqan hooyadeed.
Sidoo kale nabadoonno kasoo jeeda beesha ay ka dhalatay gabadha ayaa ku baaqay in sida ugu dhakhsiyaha badan loo helo Ikraan Tahliil