Notice: Undefined index: file in /home/dheesqdo/public_html/wp-includes/media.php on line 1766
Monday “14” September “2021”Muqdisho
Hooyada dhashay Ikraan Qaali Mahamuud ayaa sheegtay in aanay ku qanacsaneyn guddigii baaritaanka uu magacaabay Madaxweyne Farmaajo, iyadoo caddeysay inay ku qanacsan tahay dacwada ay Maxkamadda Ciidamada u gudbisay.
Qaali Maxamuud ayaa waxa ay sheegtay in Farmaajo uu ka soo horjeedo in kiiskeeda ay maxkamad qaado uuna wadooyin kala duwan u soo maray.
“Waxaan uga digayaa Farmaajo inuu faraha kala baxo kiiska gabadheyda ee Maxkamada Ciidamada horyaal,haddii uu ka hari waayo kiiskaan waxaan ka dacweyneynaa maxkamadaha dalka iyo dibadiisaba.”ayay tiri Qaali Maxamuud oo indhaheeda ay illin ka da’ayso xilli ay wareysi siisay caawa Taleefishinka Universal.
Sidoo kale Marwo Qaali ayaa uga digtay Xildhibaan C/shakuur Mire iyo Wasiiru Dowlaha Gaadiidka C/raxmaan Dheere inay faraha kala baxaan Kiiska Ikraan.
Dhinaca kale siyaasiyiin badan ayaa ka naqdisay wareegtada uu Madaxweynaha muddo xilleedkiisu dhamaaday ee Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ku magacaabay guddi baarta kiiska Ikraan Tahliil oo hore ay Hay’ada Nabad Sugida u sheegtay inay dileen Alshabaab
Madaxweynihii hore ee Dowlad Goboleedka Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare ayaa si kulul waxaa uu uga hadlay Guddiga baaritaanka ee Madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaadsy ee Far.aajo uu u magacaabay baaritaanka Kiiska Ikraan Tahliil.
”Tan waxaa ay u eg tahay Carqaladaynta Caddaaladda! Maxaad ugu wareejin weyday kiiska hay’adaha awoodda u leh ee hore u jiray? Maxaa loo abuurayaa Guddi? ilameereeyso ah, laga yaabee inay tahay siyaasad: waa in aysan u noqon cadaalad ayuu yiri” Waare.
Musharax Madaxweyne Daahir Maxamuud Geelle ayaa sidoo kale ka hadlay Guddiga uu Caawa Madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhaamaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu u saaray Kiiska Ikraan Tahliil ayaa yiri:
”Hore ayaan uga digay in guddi la saaro lagu dilo kiiska caddaalad u raadinta Ikraan Tahliil. Walaalkeey Farmaajo waxaan kula talinayaa in uu joojiyo is hortaagga baarista kiiska oo ay gacanta ku hayso Xeer Ilaalinta Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida.”
Sidoo kale Xildhibaan Mahad Salaad ayaa qoraal kooban oo kulul soo dhigey bartiisa Facebook waxana ku daabacay far waaweyn;
“Duqa Farmaajo ah marka Villada laga bixiyo ayaa doorasho xalaal ah iyo Ikraan oo cadaalad hesha u horeysa!”
Sidoo kale qaar ka mid ah sharciyaqaanada dalka ayaa sheegay in kiis m壯陽藥 axkamad ay qabatay aan guddi loo saari karin illaa dhinacyada dacwada u dhexeysa ay ka oggolaanayaan.
Waar,saxaafadeedy ikraan hooyada dhashay ee qaali u kala dirtay hayaddaha dowlada waxay kaga talaabada uu farmaajoku magacaabay gudiga

