Wednesday ” 29″ September “2021 BBC’somali
Fannaanka caanka ah ee Soomaaliyeed ayaa muusikada ku soo biirineyay nolosha carruurta ee degmo ka tirsan magaalada Minneapolis ee dalka Mareykanka oo loo yaqaan “Muqdishada yar oo ku taal Mississippi” si ay uga caawiso barashada luqadda iyo dhaqanka dalkooda hooyo.
Aar Maanta, oo caadiyan fadhigiisu yahay London, wuxuu arkay baahi degdeg ah oo loo qabo in afka Soomaaliga la lagu beero nolosha carruurta, oo qaarkood ku dhashay Mareykanka oo aysan ku hadli karin afkooda hooyo.
“Markii uu wiilkaygu dhashay waxaan raadinay luuqadaha Soomaaliga waxaanana ogaanay inaysan jirin in la heli karo. Waxa kaliya ee aan haystay waxay ahaayeen xusuusteyda,” ayuu yiri. “Taasi waxay igu dhalisay inaan bilaabo mashruucan.”
Erayada qaarkood ee heesaha waxaa qorey carruurta Soomaaliyeed oo qaarkood ay da’doodu tahay siddeed jir.
“Madaxweyne sidaa u doqonsan walaalkeeyga yar ayaa qaadan kara go’aano kuwiisa ka wanaagsan”, waa hal sadar. Waxaa jirta qeyb kale oo ku saabsan xijaabku oo ah in uu yahay “sida taaj Islaamka inkastoo ay jiraan” su’aalo ay ka mid yihiin: “Miyaadan kululaan xilliga cimilada xagaaga?”
Carruurtan ayaa ku nool xaafadda Cedar -Riverside ee magaalada Minneapolis ee gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka – oo ah deegaan ay ku nool yihiin Soomaali aad u badan.
Heesahooda ayaa la sii daayay bishan kuwaas oo lagu tilmaamay “albumkii ugu horreeyey ee ku soo baxa labada luqadood ee Ingiriisiga iyo Soomaalida ee muusigga adduunka”.
Mashruucan waxaa maalgeliyay The Joyce Foundation, oo taageerta fannaaniinta midabka ee gobolka Great Lakes ee Mareykanka.

Fannaanka Xarunta Dhaqanka ee Cedar ee Minneapolis Aar Maanta wuxuu doonayay in carruurtu “ku raadiyaan nabadda heesaha”, si ay u adeegsadaan muusigga oo ay wax uga qabtaan caqabadaha socdaalka, xagjirnimada iyo xiisadda magaalada gudaheeda.
‘Argagixisada yar yar’
Nasiib wanaag qofka ugu fiican ee ka caawiya sidii uu u rumayn lahaa riyadiisa Minneapolis – waa Saciid Saalax wuxuu isku tilmaamaa inuu yahay “oday Soomaaliyeed oo caadi ah, oo aysan jirin intaa wax u dheer”.
Run ahaantii wuxuu caan ka yahay guud ahaan Soomaaliya iyo meelaha ka baxsanba waxaana lagu yaqaanaa sameynta gabayaa, riwaayadaha sidoo kale waxaa loo yaqaanaa ilaaliyaha afka Soomaaliga.
Waxa kale oo uu bare ka yahay Jaamacadda Minnesota, halkaas oo uu wax ka baro afka Soomaaliga.
Markii ugu horraysay ee Soomaaligu noqday luuqad qoran 1970 -aadkii, wuxuu kaalin muhiim ah ka qaatay ololihii ballaarnaa ee wax -qorista iyo wax -akhriska ee dalka.
Mr Saalax ayaa sheegay in carruurta Soomaaliyeed ee ku nool Mareykanka ay aad ugu ooman yihiin barashada luqaddooda iyo dhaqankooda.
Waxay ka dheregsan yihiin in lagu tilmaamo “argaggixiso yar yar”, “burcad -badeed yar-yar” ama “dambiilayaal yar-yar” – dhammaan fikradahaasi waxay la xiriiraan Soomaaliya.

Mid ka mid ah doorka Mr Saalax ayaa ah in bulshada tuso hodantinimada afka iyo dhaqanka Soomaaliga.
“Waan rumaysan kari waayay markii aan bilaabay inaan u akhriyo carruurta buug ku qoran afka Soomaaliga gaar ahaan carruurta Soomaaliyeed ee dhigata iskuul ku yaal Minneapolis,” ayuu yiri Mr Saalax.Jon Behm/Cedar Cultural CenterI could not believe their enthusiasm about the album, their deep interest in learning their language and their curiosity about all things Somali”Aar Maanta
Somali musician
Aar Maanta wuxuu abwaanka ku raacay in carruurta qaarkood ay noloshooda adag tahay, laakiin waxay aad u daneeyaan dhaqankooda.
“Ma rumaysan karin xiisaha ay u qabaan albamka, xiisaha ay u qabaan barashada afkooda iyo xiisaha ay u qabaan wax walba oo ku saabsan afka Soomaaliga ah.
“Waxay xitaa i weydiiyeen duqii hore ee Sheffield ee UK, Magic Magid, oo ah nin Soomaali ah.
‘Xirashada Xijaabka marka la qubeysanayo?’
Faadumo Jamiila Biixi waa gabar yar oo qortay xijaabka.
“Dadku mararka qaarkood waxay noogu yeeraan ‘kuwii madaxa ku watay shukumaanka ‘. Xitaa waxaa la i weydiiyay in xijaabka aan ku dhex-xirto suuliga qubeyska!” ayay tiri.

“Qorista iyo heesidda heesahan waxay igu abuurtay sharaf iyo kalsooni. Waxaan doonayay in dadku ogaadaan in xijaabku uusan dhib igu hayn, balse aan barao ka helo.”
Carruurtu waxay soo saareen farshaxanno ay weheliyaan heesahooda, iyagoo la shaqeynaya farshaxanka maxalliga ah ee Timi Bliss, oo wax ka qorta buugaagta carruurta, oo ay ku badan yihiin kuwa asalkoodu madow.
Waxay door weyn ka cayaartay hal ku dhiggii Black Lives Matter ee Minneapolis kadib dilkii askari caddaan ah oo booliis ah uu u geystay George Floyd.
Qaar ka mid ah heesaha ku jira albumka ayaa waxaa qoray toban sano ka hor Mr Saalax, sida heesta tirinta carruurta, Kow, iyo heesta higgaadda, ee sida Ta Te Ti To Tu.
Qaar kale ayay carruurtu keligood qoraan, curiyaan oo hadana ku heesaan, ama la kaashadaan Aar Maanta iyo kooxdiisii, ee Reer -guuraaga Magaalooyinka.
Kala -go’a jiilka
Mid ka mid ah arrimaha muhiimka ah ee uu Aar Maanta doonayay inuu wax ka qabto ayaa ah “kala go’a jiilasha – waalidiinta ku dhashay Soomaaliya iyo carruurtooda ku nool Mareykanka, halkaas oo aysan kaga duwanayn cimilada qabow oo kaliya, blase sidoo kale dhaqanka
.
