6″ Dec”2021″ Muqdisho

Waxaa Seddexdii Bishaan December Muqdisho lagu soo gababayeeyay Carwada bandhigga buugaagta ee Muqdisho Book Fair, oo sanadkii lixaad la qabtay.
Bandhigga Carwada Buugaagta ayaa socotay Seddex Maalmood oo xiriir ah, iyadoo ay xusid mudan tahay in tirada Dadka sanadkaan ka qayb galay la koobay, marka loo eego tirada Qoraayaashii sanadihii hore ka qayb qaatay carwada Bandhigga Buugaagta ee Muqdosho Buug fair.
Asaasaaha iyo Agaasimaha Mogadisho Book Fair Mohamed Diini ayaa 1-dii Bishan daah furay Bandhigga, waxaana uu sheegay in ay farxad gaar ah u tahay qabashada Munaasabadda.
“Waa aan ku faraxsannahay in aan sanadkii lixaad qabanno bandhigga buugaagta Muqdisho oo aan ka wada shaqayno horumarka, akhiska, qoraalka iyo aqoon is waydaarsiga.”Waxa aan Alle innooga baryayaa in uu dalkeenna iyo dadkeennaba noo badbaadiyo.Waa ay noo furan tahay carwada, soo dhawaada” ayuu yiri Asaasaaha iyo agaasimaha Mogadisho Book Fair Mohamed Diini mar uu kowdii Bishan daah furayay Mogadisho Book Fair 2021.
Muddadii Seddexda Maalin ahayd ee ay socotay Munaasabaddu ayaa waxaa kasoo qayb galay dad kala duwan oo isugu jira, aqoon yahanno, Qoraayaal iyo mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Wasiirro ka tirsan Dowladda Soomaaliya ayaa ka qayb galay Carwada bandhigga buugaagta ee Muqdisho Book Fair, waxaana ka mid ahaa Wasiirada Warfaafinta iyo Waxbaarshada ee Xukuumadda Soomaaliya.
Sidoo kale intii Munaasabaddu Socotay ayaa waxaa qayb ka ahaa dood Cilmiyeedyo kala duwan oo ay ka qayb galeen xubno lagu Casuumay oo isagu jiray, Qoraayaal, Aqoonyahanno iyo Abwaaniin, kuwaasi doodahoodu la xariireen waaqiciga taagan iyo sidii bulshada Soomaaliyeed ugu baraarugi lahayd.
