19″ Aug”2犀利士 022″ Radio Dalsan

Heshiis ka kooban 11 qodob oo madaxda Soomaaliya iyo Kenya ay ku kala saxiideen Magaalada Nairobi ee caasimada dalka Kenya bishii July ee sannadkan ayuu qeyb ka ahaa in Jaadka Miiraa dib loogu suuq geeyo magaalada Muqdisho iyo gobolada kale ee Soomaaliya.
Tan iyo heshiiskaas waxaa si caadi ah garoomada diyaaradaha ee caasimadda iyo xarumaha dowlad goboleedyada uga soo dega diyaarado sida qaadka Miiraa ee laga keeno gobolka Meru ee dalka Kenya.
Horay dowladda Soomaaliya ayaa xayiraad u saartay Jaadkan kadib markii uu xumaaday xiriirka Soomaaliya iyo Kenya waxaa markaas loo ogolaaday ee Soomaaliya la keeno jaadka loo yaqaano “Hareeri” ee dalka Ethiopia.
Ganacsatada Jaadka ee magaalada Muqdisho ayaa bogaadiyey xiriirka dib u soo laabtay ee Soomaaliya iyo Kenya iyo Jaadka Miiraa xayiraadda laga qaado, qaar kamid ah ganacsatada oo la hadlay warbaahinta Bilan ayaa sheegay in ay aad ugu faraxsan yihiin xayiraadda laga qaaday Jaadka dalka Kenya.
Xaliimo Yuusuf oo kamid haweenka waqtiga dheer ka ganacsayey Jaadka Miiraa ayaa sheegtay in tani ay fursad ganacsi u tahay ganacsatada Jaadka ee Soomaaliya oo dhan maadaama dadka isticmaala ay aad u jecel yihiin nuucan laakiin waxa ay sheegtay in marka loo eego canshuurta ay dowladdu ka qaado ay tahay culeys ku soo kordhay ganacsatada.