Muran ka taagan ganacsiga Qaadka Laascaano Oo lagu wareejiyay Uu Adeer U Yahay Muuse Biixi

24″ November “2022”

Ganacsade Maxamed Jabuutaawi Caraale, oo leh mid ka mid ah Shirkadaha Jaadka keena magaalada Laascaanood, ayaa si adag uga soo horjeestay shirkad cusub oo uu sheegay in Xukuumaddu ruqsad siisay.


Shirkad uu wato nin lagu magacaabo Cabdicasiis Aadan Habane (Siisto), oo uu sheegay in ay Xukuumaddu ruqsad u siisay inuu Jaad Nairobi ka keento, ayuu ka dhiidhiyay, waxaannu sheegay inay la dagaalami doonaan.

Ninkan ay sida wayn uga qayliyeen Ganacsatadda Jaadka ee magaaladda Laascaannood, ayaa waxay isku hayb yihiin Madaxweynaha muddo-xilleedkiisii dhammaadday Muuse Biixi Cabdi oo hadda Kursiga ku fadhiya muddo-dhaaf Sharci-darro ah ayaa Wiilkaas uu adeerka u yahay ruqsad u siiyay innuu Jaadka Miirrooga ah uu ka keenno magaaladda Nairobi ee xarunta dalka Kenya.

“Siisto Nairobi ayuu joogaa, berritoolana diyaarad ayuu soo rarayaa, annagana waxa uu noogu Hanjabay Millateriga iyo Jaamac Siyaad ha is arkeen, laakiin Siisto waxa uu ilowsan yahay inaanay kala maarmin Milatariga iyo Jaamac Siyaad, weliba Siisto waxaan leeyahay way is arkayaan, waanan ku qaabilaynaa.” Ayuu yidhi Ganacsadde Maxamed Jabuutaawi oo rag hubaysani dhiniciisa danbe taagan yihiin.

Warqadan oo ka soo baxday hay’adda duulimaadyada ayaa lagu sheegay cida keeni karta qaadka Laascaanood.

Magacyada ganacsatada Muuse Biixi gacansaarka la leeyahay oo uu ku jiro Cabdicasiis Sisto ayaana lagu xusay warqadan

Diyaaradda Qaadka keeni jirtay Laascaano oo maanta la filayey ayaa baaqatay, sababo loo aanaynayo khilaaf weji cusub leh oo ay xalay soo ifbaxay markii muuse biixi uu ruqsada ganacsiga siiyay nin uu adeer u yahay hakii ay horey u heeysteen ganacsigan dad reer Laascaano ah

Leave a Reply