24″ November “2022
Bariga Afrika: WFP ayaa ka digtay abaarta u horseedaysa haqab-beel cunto iyo nafaqo darro ba’an oo ka jirta Geeska Afrika.
Saamaynta abaarta ee dalalka Kenya, Itoobiya iyo Soomaaliya ayaa horseeday cunto yari iyo nafaqo darro aad u sareysa, sida ay ka digtay hay’adda cunnada adduunka ee WFP.
WFP, ayaa warbixinteedii ugu dambaysay ee xaaladda abaarta ee la sii daayay Talaadadii, waxay ku sheegtay in ilaa 22 milyan oo qof ay cunto yari haysato abaarta ka jirta dalalka ay saameeyeen.
Waxa kale oo ay ka digtay in xoolo beelay iyo wax soo saarkii oo yaraatay ay meesha ka saartay hab-nololeedkii dadkii xoolo dhaqatada ahaa.
Sannadkii 2022 oo kaliya, ugu yaraan 9.2 milyan oo xoolo ah ayaa ku dhintay deegaannada ay abaaruhu saameeyeen ee Itoobiya, Kenya iyo Soomaaliya, sida lagu sheegay tirokoobyada WFP.
WFP, iyadoo soo xiganeysa saadaasha guddiga dib u eegista macluusha ee IPC ee ugu dambeysay, waxay kaloo ka digtay in macluul ay ka dhici karto saddex goobood oo ka tirsan gobolka Baay ee Soomaaliya inta u dhaxaysa Oktoobar ilaa Disembar.
Waxay sheegtay in xaaladda abaartu ay sii xumaanayso xaaladda bini’aadantinimo ee gobolka oo dhan.
“Xaaladda sugnaan-la’aanta cuntada ee Bariga Afrika ayaa sii ahaanaysa mid ka sii daraysa iyadoo ay ugu wacan tahay xaaladaha cimilada oo aad u xun, iskahorimaadyo, iyo caqabadaha dhaqaale-xumada (sicir-bararka, qiimo-dhaca lacagta),” ayay tiri WFP.
Waxay sheegtay in gobolku uu sare u kac weyn ku sameeyay qiimaha dambiisha cuntada gudaha iyadoo Soomaaliya laga diiwaan geliyay dambiisha cuntada ugu qaalisan gobolka.
Iyada oo ay sii xumaanayso saamaynta abaarta socota, WFP waxa ay sheegtay in ay sare u qaaday wax ka qabashada Geeska Afrika oo dhan si ay wax uga qabato cunto yaraan ba’an iyada oo gargaar cunto iyo nafaqayn naf-badbaadin ah siinaysa bulshooyinka ay saamaysay.