Shiinaha: Waxaa sii fidayaa Mudaaharaadyo ka qarxay xannibaadaha COVID-19

26″ November “2022” Aljazeera”

Dab ku dilay 10 qof oo ka dhacay gobolka Xinjiang ee Shiinaha ayaa caro ka dhaliyay siyaasadda eber-COVID iyadoo Beijing ay wajaheyso kororka diidmada dadweynaha ee habka adag ee ay u joojineyso fiditaanka coronavirus.

Qoraalo la soo dhigay baraha bulshada ee Shiinaha ee Weibo ayaa lagu muujiyay carada sii kordheeysa ee dadweynaha shiinaha to stopping the spread of the coronavirus.

Siyaasadda COVID-19 ee Shiinaha ayaa horseeday niyad jab dadweyne, fiidiyowyada qaar waxa ay u muuqdeen inay muujinayaan dad badan oo ka mudaaharaadaya waddooyinka Urumqi, ka dib bannaanbaxyo ka dhacay magaalooyinka kale.

Shiinaha ayaa dhigay gobolka Xinjiang ee ballaaran, oo ay ku nool yihiin 10 milyan oo Uighurs ah, qaar ka mid ah xannibaadaha ugu dheer ee dalka, iyadoo qaar badan oo ka mid ah afarta milyan ee deggan Urumqi laga mamnuucay inay guryahooda ka baxaan ilaa 100 maalmood.

Muuqaalada mudaaharaadka ayaa ku wareegayay internetka. Mid ka mid ah ayaa dadka ku tusaya dad ku qeyinaya hadalo kicin ah sida”Kaca, kuwa diidan inay addoommo noqdaan!”, halka qaar kalena ay ku heesayaan inay rabaan in laga sii daayo qufulka.

Leave a Reply