29″ December “2022” Muqdisho
Madaxweynaha dalka Jabuuti, Mudane Ismaaciil Cumar Geelle oo maanta hortegay xildhibaanada labada Gole ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa jeediyay khudbad uu ka hadlay arrimo dhowr ah oo ay ka mid tahay dagaalka Shabaab.
Geelle ayaa marka hore dardaaran culus u jeediyay xildhibaanada Soomaaliyeed, wuxuuna ugu baaqay inay gacmaha is qabsadaan, una shaqeeyaan dalka iyo dadka Soomaaliyeed.
“Maanta waxaa si gaar ah loogu baahan yahay in gacmaha la’is qabsado dalka dhibaato ayuu ku jiraa hiil ayuuna ubaahan yahay iyo dad isku hibeeya dantiisa,” ayuu yiri Geelle.
Sidoo kale wuxuu soo hadal qaaday dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda waddanka, wuxuuna shaaca ka qaaday in uu guul u rajeynayo shacabka iyo dowladda.