29″ December “2022”
Dowlad goboleedka Puntland ayaa iska diiday saxiixa labo kamid ah 5 qodob oo ay ku heshiiyeen dowladda federaalka, dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir, kuwaas oo ku jiray war-murtiyeedka kasoo baxay shirkii Golaha Wadatashiga Qaran ee xalay saq-dhexe lagu soo gabagabeeyay xarunta Villa Soomaaliya.
War-murtiyeedka ayaa lagu sheegay in Madaxweyne Saciid Deni oo diiday in uu saxiixo labadaas qodob oo kala ah:- In la Federaaleeyo Garsoorka iyo qodobka kale ee ah Asteynta Awoodaha Heerarka Dowlada oo ku jiray qodobada xalay la shaaciyey ee war-murtiyeedka.
“Goluhu, marka laga reebo Puntland, wuxuu isku raacay, saxiixayna heshiis siyaasadeedka Astaynta Awoodaha heerarka dowladda kuwaas oo kala ah: awoodaha u gaar ah heer federaal, kuwo u gaarka ah heer DXDF iyo kuwo wadaagga ah. Goluhu, marka laga reebo Puntland, wuxuu isku raacay, saxiixayna heshiis siyaasadeedka Astaynta Awoodaha heerarka dowladda kuwaas oo kala ah: awoodaha u gaar ah heer federaal, kuwo u gaarka ah heer DXDF iyo kuwo wadaagga ah,” ayaa lagu yiri war murtiyeedka xalay la shaaciyay.