Kacsanaanta Xiisaada magaalada Laascaanood oo sii kordheysa Iyadoo ciidamada maamulka Somaliland ay dileen Sheekh magaalada laga jeclaa

30″ December “2022” Horseed Media

Kacsanaanta Xiisaada ka Taagan magaalada Laascaanood oo sii kordheysa Iyadoo ciidamada maamulka la baxay Somaliland ay dileen Sheekh Bide Faarax Caalinoo ahaa wadaad magaalada laga jeclaa

Sheekh Bide Faarax Caalin oo kamid ahaa waxgaradka iyo Culumada magaalada Laascaanood ayay salaadii jimcaha ka dib, dileen ciidanka Somaliland ee kusugan magaaladaas.

Ciidanka Somaliland ayaa u adeegsanayaa hubka culus boqolaal qof oo shacab ah, kana soo horjeeda joogitaanka Somaliland ee Laascaanood iyagoo dareenkooda cabiraya.

Magaalada Laascaanood maalmihii la soo dhaafay ilaa hadda waxaa ka socda dibad baxyo ay dhigayaan dadka shacabka ah.

Puntland, oo gobalkan laga qabsaday 15 sano kahor, ayaa si rasmi ah uga hadlin, Madaxweyne Deni ayaa aamusnaan dheer kagalay, isagoo horey uga hadlay dhacdooyin ka hooseya qadiyadan oo ka dhacay meelo kamid ah Soomaaliya.

Siyaasiyiin ka soo jeeda Puntland oo qaarkood xilal ka soo qabtay Federaalka ee Soomaalya ayaa war saxaafadeed ka soo saaray Xaalada Magaalada Laascaanood ee gobolka Sool.

Siyaasiyiintan waxa ay ku eedeeyeen Somaliland inay xasuuq ka wado magaalada Laascaanood.

Sidoo kale waxay ku dhaliileen Puntland inay dhegaha ka fureysatay xaalada amni iyo midda Bani’aadanimo ee Laascaanood.

Siyaasiyiinta ayaa wax laga xumaado ku tilmaameen in dowladda Federaalka iyo Shirkii Golaha Wadatashiga Qaran inay ka baaqsadeen inay cambaareeyaan ama wax war ah ka soo saaraan Xaalada Laascaanood.

Leave a Reply