TikTok waxay u dhaqaaqday bixinta abaalmarino lagu sumadeeyay kobcinta hal-abuurayaasha African-ka TikTokers ah

16″ January 2023″ Wakaaladaha Wararka

TikTok waxay u dhaqaaqday bixinta abaalmarino lagu sumadeeyay kobcinta hal-abuurayaasha African-ka TikTokers ah si ay u xoojiyaan Isticmaalyaasha Africa ee Appka Vdeo-ga gaaban ee Shiinaha Dheeho.com

Abaalmarinnada TikTok ee markii ugu horreysay abid ayaa ka dhacday caasimadda Kenya ee Nairobi, taas ooy ka qaybgaleen dad TikTokers ah oo ka kala yimid Africa dacaladeeda.

Xubnaha la magacaabay waxaa doortay TikTok iyada oo aqoonsanaysa “hal-abuurka baaxadda leh ee ay keeneen madasha sannadkii la soo dhaafay”.

Isticmaalka TikTok ee Afrika ma muujinayso wax calaamad hoos u dhac ah oo ku yimid, iyadoo dalalka Kenya, Masar iyo Nigeria ay dhammaantood iska diiwaangeliyeen 10ka waddan ee ugu sarreeya adduunka ee soo dejinta TikTok sanadii la soo dhaafay 2022 ee dukaanka App-ka Apple

TikTokers – ama hal-abuurayaasha sida loogu yaqaan goobta – waxay sameeyaan muuqaal gaaban oo toosan iyadoo qaar badan oo ka mid ah dadka Afrikaanka ah ee la doortay ay soo bandhigayaan dhaqdhaqaaqooda qoob-ka-ciyaarka, talooyinka quruxda iyo xirfadaha karinta.

Madaxa barnaamijyada TikTok ee dalalka ka hooseeya saxaraha Afrika, Boniswa Sidwaba, ayaa yiri: “Abaalmarintan daahfurka ah, TikTok waxay ujeedadeedu tahay inay siiso hal-abuurayaasha Afrikada Saxaraha ka hooseeya aqoonsiga ay mudan yihiin iyo inay ku dhiirigeliso inay ka sheekeeyaan waxyaabaha ku xeeran noloshooda Afrikaanimo iyagoo farxad gelinaya gabi ahaanba daawatada caalamka

Guuleystayaasha iyo kaalimaha labaad waxay matalayeen afarta gobol ee kala ah: Galbeedka Afrika, Koonfurta Afrika, Bariga Afrika iyo Afrikada Saxaraha ka hooseeya.

Sidaas,ooy tahay Isbeddellada TikTok waxa uu horseeday nooc cusub oo shaqo joojin dhabarka danbe ka qaniini kara horumar kasta oo uu gaaro Appka video-gaaban ee shiineeyska