17″ January “2023” Baydhabo
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Baydhabo ka furay shirka dib u heshiisiinta maamulka Koonfur-galbeed” Dheeho.com
Madaxweyne Xasan Shiikh ayaa dadka Koonfur-galbeed ku adkeeyey In ay ilaashaadaan dowladnimada, nabadda iyo wadajirka dowlad-goboleedkooda.
Dadka Soomaaliyeed way ka daaleen colaad sokeeye, iyadoo wixii soo dhacayey 30kii sano ee la soo dhaafay ay inoo yihiin cashar aan ku jiheyn karno horumarka iyo nabadda, ayuu yiri Madaxweynaha Jamhuuriyada oo xusay in maanta halka cadoow ee aynu leenahay uu yahay argagixisada Alshabaab, la dagaallankooduna uu yahay kan kaliya ee inoo furan.
“Dadka reer Koonfur-galbeed, hoggaankooda siyaasadeed, mucaarad iyo muxaafad, odeyaashooda dhaqanka, dhallinyarada iyo dhammaan qeybaha bulshada rayidka ah, waxaan rabaa in ay isla fariistaan oo mushkiladahooda xallistaan.” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Shiikh ooy ka muuqato in uu aad u daneeynayo wax ay heshiis ku yihiin reer koonfurgalbeed oo shirka ka soo baxa
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa soo bandhigay in uu ku kalsoon yahay miro-dhalka wada-hadalladan maanta ka furmay Baydhabo iyo sida ay uga go’an tahay dhammaan reer Koonfur-galbeed in ay xalliyaan tabashooyinka siyaasadeed ee ay isu qabaan, si ay u dardar geliyaan xoreynta deegaannada ay argagixisadu ku dhibaateynayso dadka Soomaaliyeed.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somalia Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku celiyay fursada u furan dhammaan dhallinyarada Soomaaliyeed ee ku jira fikirka gurracan ee argagixisanimada,Isaga oo ugu baaqay in ay ka soo laabtaan, isagoo cafis u fidiyey mid kasta oo ka mid ah oo u soo laabta dadkiisa iyo dalkiisa, dowladduna ay diyaarisay qorshe dhaqancelin iyo nolol wanaagsan looga sameynayo dhallinyarada ay khaldeen argagixisada