20″ January “2023” SNTV

Mashruuca ka soo kabashada xasaradaha Soomaaliya oo uu maalgelinayo Bangiga Adduunka ayaa ka hirgeliyay webiga Jubba ee degmada Baardheere ee gobolka Gedo si loo ilaaliyo hab-nololeedka dadka deegaanka.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maamulka degmooyinka Baardheere iyo Dooloow ee dowlad Goboleedka Jubaland ku wareejisay 11goobood oo laga dayactiray jiinka webiga Juba ee ku teedsan degmooyinkan, si looga hortago fatahaadaha muddada dheer dhibka ku hayay beeraleeyda, xoolaleeyda iyo dadka deeg壯陽藥 aanka.
Gidaarkan oo laga dhisay goobaha jooggooda hooseeyo iyo leexooyinka webiga ayaa dheerar ahaan gaaraya 1,176.2 Mitir oo u qeybsan 11 goobood oo 4 kamid ah ay dhacaan Dooloow, halka 7 kamid ahna ay ku yaallaan Baardheere. Goobahaan ayaa loo asteeyay inay yihiin kuwa ugu halista badan.
Isku duwaha mashruuca ka soo kabashada xasaradaha Soomaaliya (SCRP) Cali Xaaji Aadan oo guddoonka degmooyinkan ku wareejiyay goobaha la dayactiray kadib kormeer lagu sameeyay dhammaan dhismayaasha ayaa maamulka kula dardaarmay xil iska saaridda ilaalinta, la socoshada iyo dayactirka gidaarradan maadaama ay tahay mas’uuliyad weyn oo ay bulshada u qaadeen.
“Waa baahi bulshada ka timid, dowladda Soomaaliyeed oo heer degmo, dowlad Goboleed ilaa dowlad Federaal ahna ka wada shaqeeyeen, maantana aan bulshadii ku wareejinnay, waxaan rajeyneynaa in inay wax weyn ka tari doonto xal waare sidii loogu heli lahaa nidaamka cuntada dalkeena”. Ayuu yiri Cali Xaaji.
Daadadka ayaa saameyn taban ku leh wax soo saarka dalka iyada daadadku baabi’yaan sanad walba kumannaan heektar oo la beeray. Ka so koow khasaaraha ay bulshada beerealeeyda ah u geystaan waxay niyad jeb ku abuuraan bulshada wax beerata, taas oo mustaqblak halis gelin karta nidaamka cunto ee dalka.
Guddoomiyaha Degmada Baardheere Maxamed Wali Yuusuf Cabdulaahi (Qorax) ayaa dowladda uga mahadceliyay hal abuuridda xal joogto ah oo ka duwan kii hore ee ku koobnaa la tacaalidda xaaladaha degdedegga ah ee markaas taagan.
“Looma baran in laga hadlo in dadku isku filnaadaan oo la maalgeliyo mashaariic na gaarsiinaya isku filnaansho cunto, webiga oo aan mushkilad sababin abaar iyo aaranba waxay ka dhigan tahay waxsoo saar dheeri ah iyo degganaansho bulsho” ayuu yiri.