Madaxweyne Xasan Sheekh Ayaa Culimaa’udiinka K/Galbeed ugu yeeray kaalin muuqata in ay ka qaataan halganka dib u xoreynta dalka

20″ January “2023” Baydhabo

壯陽藥 e aligncenter size-full”>

Madaxweyne Xasan Sheekh Ayaa Culimaa’udiinka K/Galbeed ugu yeeray kaalin muuqata in ay ka qaataan halganka dib u xoreynta dalka gaar ahaan dabar goynta fikirka gurracan ee Al-shabaab. Dheeho.com

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo khudbadii salaada jimce ee maanta ka dib magaalada Baydhabo kulan la qaatay qaar ka mid ah aqoonyahannada iyo Culumaaudiinka Koonfur Galbeed,

Madaxweynaha waxa uu ugu baaqay in ay kaalintooda ka qaataan dadaallada lagu xoojinayo nabadda, dib u heshiisiinta iyo midnimada bulshada deegaanka.

Madaxweynaha ayaa culimada ku bogaadiyey doorkooda wanaagsan ee fidinta diinteenna suubban, wacyi gelinta iyo toosinta bulshada isaga oo ku adkeeyay in ay kaalin muuqata ku yeeshaan halganka dib u xoreynta dalka gaar ahaan dabar goynta fikirka gurracan ee Al-shabaab.

Dhankooda, culimada ayaa la wadaagay Madaxweynaha talooyin ku aaddan dib u heshiisiinta, dowlad dhiska iyo la dagaallanka fikiraayay xagjirka ah, iyaga oo bogaadiyey tallaabooyinka loo qaaday xoreynta, xasilinta dalka iyo dowlad-wanaagga.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa culimada ka codsaday in ay sii xoojiyaan dadaalladooda ku aaddan kobcinta wacyiga bulshada, ayna hormuud u noqdaan xaqiijinta Soomaaliya xor ah, xasillan isla markaana Barwaaqo ah.

Leave a Reply