Premier League ayaa Manchester City ku soo oogay in ka badan 100 dacwadood oo la xiriirta jebinta shuruucdeeda maaliyadeed kadib baaritaan afar sano socday

6″ February “2023

Horyaalka Ingiriiska ee Premier League ayaa dacwad kusoo oogay kooxda ka dhisan dalkaas ee Manchester City, waxaan ala sheegay in kooxda ay jebisay ilaa boqol xeer oo dhanka maaliyadda ah kadib baaritaan socday muddo afar sano ah.

Guddi madaxbanaan ayaa baaryay eedeymaha loo heystay Man City oo ku aadan inay jebisay xeerarka maaliyadda intii u dhexeysay 2009 iyo 2018.

Kooxda Premier League waxay sidoo kale ku eedeysay Man City in wax wadashaqeyn aysan muujin tan iyo xilliggii uu bilowday baaritaanka bishii December 2018-kii.

Manchester City waxay ku tilmaantay go’aankan mid ‘laga naxo’ isla markaana ku saabsan ‘caddeyn aan laga hor imaan karin’.

Guddiga Premier League wuxuu kooxdan kusoo rogi karaa ganaax ama in dhibcaha laga jaro ama in laga saaro horyaalka Premier League.

“Manchester City waxay la yaabban tahay soo saarista arrintan iyagoo oo lagu eedaynayo inay jabiyeen xeerarka Premier League” sida lagu xusay bayaan kasoo baxay kooxda.

“Kooxdu waxay soo dhawaynaysaa dib u eegista ay arrintan ku sameeyeen guddi madax-bannaan, si ay si dhexdhexaadnimo ah ugu tixgeliso caddaynta aan la dafiri karin ee jirta ee taageeraya mowqifkeeda.

“Sidoo kale waxaan rajeyneynaa in xaaladda la dejiyo”

Xilli ciyaareedkii hore City ayaa markii lixaad ku guuleysatay horyaalka Ingiriiska ee Premier League tan iyo sanadkii 2008-dii oo ay la wareegeen kooxda Abu Dhabi.

Maxaa lagu heystaa Man City?

Bayaan ka soo baxay guddiga Premier League ayaa lagu sheegay in City ay jebisay sharciyada u baahan inay bixiyaan “xog dhaqaale oo sax ah oo ku saabsan booska maaliyadeed ee kooxda@.

Macluumaadkan ayaa ku saabsan dakhliga naadiga, oo ay ku jiraan dakhliga kafaala-qaadka iyo kharaashaadka ku aadan howlgalka kooxda.

Jebinta dheeraadka ah ee lagu soo oogay waxay la xiriirtaa sharciyada u baahan in faahfaahin buuxda laga bixiyo mushaharka tababaraha – laga bilaabo xilli ciyaareedkii 2009-10 ilaa 2012-13, markii Roberto Mancini uu ahaa tababaraha City – iyo mushaharka ciyaartoyda intii u dhexeysay 2010-11 iyo 2015-16.

Premier League ayaa sheegay in City ay jebisay shuruucda Uefa, ee ku saabsan maaliyadda, intii u dhexeysay 2013-14 ilaa 2017-18, iyo sidoo kale xeerarka Premier League ee faa’iidada iyo joogteynta laga bilaabo 2015-16 ilaa 2017-18.

Sannadkii 2020-kii hay’adda maamusha kubbadda cagta Yurub ee Uefa ayaa xukuntay in City ay samaysay “jebinta halista ah” ee la xiriira xeerarka FFP intii u dhaxaysay 2012 iyo 2016.

Si kastaba ha ahaatee, ganaax laba sano ah oo lagu soo rogay kooxda kadib markii laga saaray tartamada Yurub ayaa waxaa laashay maxkamadda xalinta khilaafaadka Ciyaaraha (Cas) dabayaaqadii sanadkaas.

Guulaha ay gaartay Man City

Sebtembar 2008: Kooxda Abu Dhabi United ayaa la wareegtay kooxda. Isla maalintaas weeraryahanka Brazil Robinho ayaa kaga soo biiray Real Madrid rikoor naadi ah oo gaarayay 32.5 milyan oo lacagta ginniga ah.

Dec 2009: Roberto Mancini ayaa loo magacaabay tababaraha kooxda kadib markii la ceyriyay Roberto Mancini.

May 2011: City waxay ka badisay kooxda Stoke waxay markii ugu horreysay tan iyo 1976 qaadday horyaalka FA Cup.

May 2012: Sergio Aguero wuxuu dhaliyay gool taarikhii ahaa xilli ay dhammana rabtay ciyaarta xilli ciyaareedkii 2011-12- sidaas ayay ugu guuleysteen koobkii ugu horreeyay ee Premie League tan iyo 1968.

May 2013: Mancini ayaa shaqada laga ceyriyay waxaana baddalay tababare cusub oo la oran jiray Manuel Pellegrini,kaasoo Man city kula guuleystay horyaalka Ingiriiska 2013-14.

July 2016: Waxaa tababare cusub loo magacaabay Pep Guardiola, wuxuu kula guuleystay 2018.

May 2019: Waxay noqotay kooxdii ugu horreysay oo Ingiriis ah oo qaadda afarta koob ee Ingiriiska.

May 2021: Waxay markii ugu horreysay gaartay finaalka horyaalka Yurub, waxaana ka qaadday Chelsea.

May 2022: Waxay City ku guuleystay markii lixaad horyaalka Premier League

Leave a Reply