25,November 2020_Muqdisho “
Shirka Midowga Murashixiinta ee ka socda magaalada Muqdisho ayaa galay maalintiisii Shanaad, iyadoo shirkaasina hore loo qorsheeyay in maanta la soo gabagabeeyo, Musharaxiinta ayaa waxa ay maanta la kulmeen wakiilo ka socday warbaahinta madaxabanaan iyadoo kulankaasina looga hadlay arrimaha doorashooyinta iyada oo barbaahinta ay musharixiinta u gubiyeen talooyinkooda ku aadan doorashooyinka dalka iyo sidii ay ugu dhici laheyd qaab xasiloon oo nabadgalyo ah.
XAYEEYSIIN “

Musharaxiinta ayaa madaxda warbaahinta madaxa-banaan u gubiyay waxyaabaha ay ka cabayaan ee la xiriira doorashooyinka Soomaaliya gaar ahaan guddiyada ay soo magacaawday Xukumadda Soomaaliya oo musharixiintu rumeysan yihiin inay yihiin saraakiil ka tirsan laamaha amaanka Soomaaliya iyo shaqaalaha madaxtooyada.
Markii kulanku soo dhamaaday Waxaa warhaahinta si wadajir ah ula hadlay Afhayeenka midowga Musharixiinta Ridwaan Xirsi Maxamed iyo Gudoomiyaha Warbaahinta Mustaqbal Axmed Ciise Guutaale oo ku hadlayay afka warbaahinta Madaxa-banaan ee ka qeybgashay kulankii maanta dhexmaray Warbaahinta iyo Midowga Musharixiinta.
“Saxaafadda madaxa banaan oo aan magaceeda aan ku hadlayo waxaa loogu yaaray in ay dhagaysato waxa ay ku fakarayaan, iyo sida ay waxa u rabaa iyo meesha wax socdaan,saakay ayaan ka kulan shir socday labo saacadood iyo xooggaa iyagana ay sheegeen sida ay wax u rabaan iyo sida ay rabaan in ay u dhacdo runtii waxa ay u muujiyeen walbadan oo ku saabsan in dalka doorashad uga dhacdo” ayuu yiri Axmed Ciise Guutaale.

Afhayeenka Midowga Musharixiinta Ridwaan Xirsi Maxamed oo isna ka hadlay gabagabdii kulanka ayaa u mahadceliyay madaxda warbaahinta madaxa-banaan waxana uu sheegay in ay ka dhagaysteen talooyinkooda ku aadan doorashooyinka dalka ka dhacaya horaanta
XAYEEYSIIN “

Sidoo kale Afhayeenka ayaa shaaciyay goorta lasoo gaba gabeeynayo shirka Muqdisho ka socda ee maal maha badan qaatay, waxaana uu ka dhawaajiyay Afhayeenka u hadlay Midowga Murashixiinta in maalinimada berri ah lasoo gaba-gabeeyn doono shirka, ayna soo saari doonaan war-murtiyeed dhammeystiran.
Musharixiinta ku shiraya Muqdisho ee u taagan Xilka Madaxweynaha Soomaaliya ayaa shirkoodu waxaa uu qaatay muddo shan maalmood ah, iyadoo ay ka arrinsanayaan dooarashada dalka ka dhici doonta dhammaadka sanadkaan iyo billowga sanadka dambe,
Afheyeenka ayaa shaaciyay goorta lasoo gaba gabeeynayo shirka Muqdisho ka socda ee maal maha badan qaatay, waxaana uu ka dhawaajiyay Afhayeenka u hadlay Midowga Murashixiinta in maalinimada berri ah lasoo gaba-gabeeyn doono shirka, ayna soo saari doonaan war-murtiyeed dhammeystiran.
