Christian Atsu: Ciyaartoyga Ghana lama garanayo halka uu joogo, ayuu yiri wakiilkiisii

8″ February “2023

Wakiilka Christian Atsu ayaa sheegay in ciyaartoyga kubbadda cagta aan la garanayn meel uu ku sugan yahay, maalin kaddib markii la sheegay in laga soo saaray burburka dhisme “isaga oo dhaawac ah” kaddib dhulgariirkii Turkiga. Dheeho.com

In ka badan 11,000 oo qof oo ku nool koonfurta Turkiga iyo waqooyiga Suuriya ayaa hadda la og yahay inay ku dhinteen dhulgariirka .

Weeraryahanka Ghana Atsu ayaa u ciyaara Hatayspor waxaana madaxweyne ku xigeenka kooxda Mustafa Özat uu sheegay in ciyaaryahanka la badbaadiyay.