Dhibaatada Laascaanood, Shakhsiyaadka Qaar Haddii Maxkamad-Lagu-Soo-Taago-Dembi-dagaal,- Caddeymo Iyo Markhaati-Toona-Looma-Baahan-Doono”

9″ February “2023

Dhibaatada #LAASCAANOOD, Shakhsiyaadka Qaar Haddii Maxkamad-Lagu-Soo-Taago-Dembi-dagaal,- Caddeymo Iyo Markhaati-Toona-Looma-Baahan-Doono” Danjire Yusuf Garad ayaa sidaas ku yiri Qormo dheer oo uu kaga hadalay colaada maalintii 4-aad gashay ee Laascaanood Dheeho.com

Wasiirkii hore ee Arrimaha dibada Soomaaliya Danjire Yusuf Garaad Cumar Axmed oo ka hadley dagaalka ka socda Magaalada # Laascaanood ee u dhexeeya Ciidamada Somaliland iyo xooggaga Ssc ayaa ku booriyey dowlada Federaalka Somalia iney qayb ka qaadato xabad joojinta si looga baaqsado khasaare soo gaara Shacabka lagu dul dagaalamayo.

Danjire Yusuf Garad waxa uu tilmaamay in ay gaartey colaadu heer xun, islamarkaana, Somaliland ay ogtahay tahay in aaney qori caaradii ku khasbi karin reer Laascaanood iney niyad Sami ku aqbalaan rabitaankeeda.

Ambassador Yuusuf Garaad oo ah khabiir ka faallooda Arrimaha Soomaalida ayaa qoraal uu kaga talo-bixinayo dagaalka ka socda Laascaanood ee u dhexeeya Somaliland iyo SSC,waxa uu ku sheegay inuu yahay mid saameyn ku leh Amniga iyo xasiloonida gobolka Geeska Africa oo u nugul colaadaha iyo abaaraha Isaga oo Qormadiisa ku yiri “

“Waa baaq kooban oo ku socda inta wax ka gasha deminta colaadda, inta aan wax ka gelin iyo dhallinyarada dagaallameysa.

Aad ayaan uga xanuunsanayaa dagaalka nasiib darrada ah ee Laas Caanood ee horseeday xad gudubka,dhimashada, dhaawaca iyo burburka hantida.Waxaa si gaar ah ii taabtay oo aan la murugooday barakaca Shacabka.

Colaadda LAASCAANOOD waa mid lakabyo badan oo qoto dheer, maantana ma billaaban.Waxay khuseysaa Soomaali badankeed, waxayna saameyn ku leedahay amniga iyo xasilloonida dalalka aan jaarka nahay qaarkood. Waxay khuseysaa oo kale danaha dalal aynaan soohdin la wadaagin ay ka leeyihiin Soomaaliya.

Soomaalida wax ka gasha in xabbadda la joojiyo, shacabkana aan lagu dul dagaallamin waxaan ugu baaqayaa in aanay ka baaqsan dibna u dhigin tallaabo kasta oo ay qaadi karaan. Aad ayaa looga hadlay dhibaatada.

Shakhsiyaadka qaar haddii Maxkamad lagu soo taago dembi-dagaal uma maleynayo in caddeymo iyo markhaati toona loo baahan doono. Hadalka afkooda ka soo baxay ayaa ku filan in lagu caddeeyo dembi.

Sida khilaafaadka Soomaalidu ay u baddan yihiin, dadka ka hadlaya dagaalka LAASCOOD waa in hadda sun ku soo baraarugtay, in is hilmaansiineysa tagtada dhow iyo in og laakiin doonaysa in ay ummadda marin habaabiso.

ka dib heerka ay colaaddu gaartay, Somaliland waa ay og tahay in aanay qori caaraddii ku khasbii karin reer Laas Caanood in ay niyadsami ku aqbalaan rabitaankeeda, oo iyadaba la khasbi kari waa. Reer LAASCAANOOD-na keli ahaan Somaliland qori kuma oggoleysiin karaan midnimo iyo xataa in ay ka tanaasusho deegaannada Bari qaarkood.

Marka waxay maslaxaddu ku jirtaa in labada dhinac midkood ama labaduba ay beddelaan tabta ay hadda ku doonayaan sida ay dooni lahaayeen oo aan hadda labada midna haysan-Qofkii aan maslaxadda qeyb ka noqon karin waxaa la gud-gboon in uu ka gaabsado.

Leave a Reply