14″ February “2023”

Weerarka Maamulka canshuuraha ee Hindiya we xafiisyada BBC-da ee dalkaasi, kaddib filim dukumentari ah oo lagu baarayay doorkii Ra’iisul Wasaare Narendra Modi ee 2002dii rabshadihii ka dhanka ahaa Muslimiinta, sida ay sheegtay BBC-da.
Qoraal ay soo dhigtay barteeda twitter-ka, xafiiska warfaafinta ee waaxda wararka ee BBC ayaa Talaadadii sheegay in maamulka canshuuraha ay “hadda ku sugan yihiin xafiisyada BBC ee New Delhi iyo Mumbai si buuxda ayaan ula shaqeyneynaa”.
Ilo ka tirsan shirkadda ayaa Aljazeera u sheegay in shaqaalaha Laptop-yada iyo taleefoonnada gacanta la qabtay. Xogtu waxay sheegtay in dadkii ku sugnaa xafiisyada xilliga la weerarayay loo diiday inay ka baxaan, shaqaalaha loo qorsheeyay habeennimadana waxaa loo sheegay inaysan soo gelin inta talo kale laga bixinayo.
Weeraradan ayaa imaanaya todobaadyo ka dib markii dowlada Modi ay mamnuucday Documentar-ga BBC oo cinwaan looga dhigay Hindiya: Su’aasha Modi – ee lagu baarayay doorkiisii ku lahaa rabshadihii ka dhanka ahaa Muslimiinta ee 2002 ee gobolka Gujarat,
Ilaa 1,000 qof oo u badan Muslimiin ayaa lagu dilay mid ka mid ah dhacdooyinkii ugu xumaa ee rabshado diimeedka ka dhacay Hindiya, ka dib markii tareen ay saarnaayeen xujey Hinduu ah uu dab qabsaday, waxaana ku dhintay 59 qof.
Cabsi galinta’ Suxufiyiinta ee Xukunka Modi ayaa Isi,soo taraya
Ururka Tifaftirayaasha Hindiya, oo isku magacaabay urur aan dhinacna ka tirsanayn ay sheegeen inay aad uga walaacsan yihiin weearar saraakiisha cashuuraha ee xaafiiska BBC
“Weerarkii IT-ga ee xafiisyada BBC-da waxay dib u soo ceshatay rajo xumo waxayna muujineysaa in xukuumadda Modi ay ka baqeyso dhaleeceynta,” siyaasi iyo Xoghayaha Guud ee xisbiga Koongaras ee KC Venugopal ayaa ku soo qoray Twitter.
“Waxaan si adag u cambaareyneynaa xeeladahan cabsigelinta. Hab-dhaqankan aan dimuqraadiga ahayn iyo kali-talisnimadu ma sii socon karto hadda.
Dadaallada ay waddo dawladdu ee lagu joojinayo dhokumentiga ku faafaya YouTube iyo Twitter ayaa khalkhal siyaasadeed u abuuray Modi ka hor doorashooyinka guud ee 2024-ka.
Maamulka iyo mas’uuliyiinta jaamacadda ayaa sidoo kale isku dayay in ay joojiyaan bandhigyada dukumentiga, iyadoo booliiska New Delhi ay dhawaan xireen ardaydii isugu soo baxday daawashada filimka, kaasoo la socday sannadihii ugu horreeyay ee Modi ee siyaasiga iyo koritaankiisa oo uu ka gaaray heerkii ugu sarreeyay ee Hindus-ta qaranka. BJP.
Kooxaha xuquuqul insaanka ayaa 犀利士 ku eedeeyay xukuumadda Modi inay caburinayso xoriyatul qawlka ayna ku xad gudubtay xannibaadda degdegga ah ee sharciga tignoolajiyada macluumaadka ee muranka dhaliyay ee 2021.
