Dowladda Somalia ayaa dhaleeceeyn kala kulmeysa go’doominteeda ku aadan degmooyin iyo tuulooyin ay ku nool yihiin dad badan

19″ February “2023

Hadalheyn ku saabsan saameeynta ka dhalan karta go’doominta dowlada Somalia ee deegaanada Bariga galagaduud oo kumanaan dad ah ay ku heyso xaalad nololxumo ayaa aad u sii kordheysa Dheeho.com

Qaar kamid ah xildhibaanada iyo waxgaradka kasoo jeeda deegannada bariga gobolka Galgaduud, oo BBC la hadlay ayaa dawladda federaalka Somalia ku eedeeyay inay go’doomisay degmooyin iyo tuulooyin ay ku nool yihiin dad badan

Tallaabadan ayaa waxay saameyn aan wanaagsanayn ku yeelatay kumannaanka qof ee rayidka ah ee dhulkaasi dagan iyadoo deegaanadaas, ay wali ka mid yihiin meelaha ay gacanta ku hayso kooxda Al-Shabaab

Milatariga Soomaaliya, ayaa isku diyaarinaya duulaan ka dhan ah Al-Shabaab, oo laga fuliyo degmooyinka Ceelbuur, Galhareeri iyo Tuulooyinka hoos yimaada iyadoo kooxda ay doonayaan in dadka rayidka ah ay ka dhigtaan gabaad

Faa’isa Maxamed Jeyte oo ka tirsan Barlamaanka Federaalka Soomaaliya, ayaa BBC-da u sheegtay in hannaanka lagu wajahayo la dagaalanka Alshabaab ee deegaanadan aanu ahayn mid sax ah.


Ma jiro wax safar ah oo ka baxa ama soo gala magaalada iyo tuulooyinka lagu hareereysan yahay ee Ceelbuur tan iyo markii ay dowladu biloowday qorshahah Go,doominta

Cunnooyinka ayaa ka sii go,aya magaalada #Ceelbuur iyo tuulooyinka hoostaga oo dowlada Somalia ay go,doomisay iyadoo firxadka argagixisada shabaab ee ka cararaya ciidamada dowlada ay Isku urursanayaan #Ceelbuur iyo deegaanada ku teedsan, xili ay xaaladu kharka u saaran tahay inay ka dhacdo masiibo bani,aadanimo oo xun

Dadkan rayidka ah ee afduubka loogu heeysto gobolka baratamaha #Somalia ee #Galgaduud degmada ka tirsan ee #Ceelbuur oo dowlada somalia u ciqaabatay inay iska kiciyaan argagixisada shabaab ayaa horey Isku-deyo ay u sameeyn si, ay isaga xoreeyaan khawaarijta uu dib uga soo saaray hogaanka Galmudug iyaga oo ku dhow degmada ceelbuur markii ay ciidamadoodu tageen magaalooyinka #Wabxo & #Ceelgars

Leave a Reply