7″ March “2023”
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kula kulmay magaalada Dooxa ee dalka Qatar Madaxweynihii hore ee Somalia Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.
Madaxweynaha ayaa la wadaagay Madaxweynihii Hore, halka uu marayo dadaallada dowladdu ay ku bixinayso xoreynta dalka iyo halganka ciidamada iyo shacabka Soomaaliyeed ay kula jiraan Alshabaab.
Madaxweynihii hore ee Somalia Maxamed cabdullahi farmaajo ayaa ku amaanay Madaxweyne Xasan Shiikh Ahmiyada uu Amniga siiyay,Isaga oo ugu hambalyeeyay geesiyaasha ciidamada qaranka iyo shacabka Isgarabsanaya guulaha ay ka gaareen dagaalka ay kula jiraan Argagixisada