7″ March “2023
Cilmi-baarayaasha reer galbeedka, ayaa sheegay in cilmi-baarista Shiinaha ee wax-ka-beddelka hidde-sideyaasha aadanaha, in aanay ahayn hannaan hufan, oo waafaqsan sharciyada caalamiga.
Cilmi-baarayaasha reer galbeedka ayaa ka walaacsan in sharciyada dowladda Shiinaha, ee la xiriira cilmi-baarista isbeddelka hidda-wadaha, ay si gaar ah ugu xadgudbayaan shirkadaha gaarka loo leeyahay.
Si kastaba ha ahaatee, waxay tilmaameen in Shiinaha dhawaan uu hirgeliyay sharciyo la xiriira arrintan, ay waafaqsan yihiin shuruucda caalamiga ah.
Waxay meesha ka saartay welwelka cilmi-baarayaasha reer galbeedka, iyadoo sharcigu uu xambaarsan yahay anshaxa xirfadeed, ayna oggol yahay xaqiijinta, tirada iyo kormeerka.
Cilmi-baarayaashu ayaa waxay aaminsan yihiin inay suurtagal tahay in aanay cudurrada u gudbin carruurta, marka haweenku uurka qaadaan, iyadoo isbeddello hidde-side ah lagu sameeyo aadanaha.
Si kastaba ha ahaatee, ku habboonaanta wax ka beddelka hidda-sidaha ma aha mid caalami ah oo la oggol yahay.
Dadka qaar ayaa ku doodaya in farsamadani ay ka dhalan karto isbeddel joogto ah oo hidde-side ah, kaasoo u gudbi kara faracyo, waxayna baabi’in kartaa aqoonsiga gaarka ah ee qofka.
Cilmi-baarista wax ka beddelka hidde-sidaha, ayaa noqotay mid si weyn loogga hadlay, ka dib markii cilmi-baare Shiinees ah uu ku dhawaaqay dhalashada mataano la beddelay.
Shan sano ka hor, cilmi-baaraha Dr. He Jinkui, ayaa ka yaabiyay warshadaha markii uu ku dhawaaqay dhalashada mataanaha ugu horreeya adduunka, ee lagu magacaabo Lulu iyo Nana, iyagoo soo maray hannaanka isbeddelka hise sidaha.
Sida uu sheegay Dr. Hee, mataanahan, ayaa waxa la beddelay hiddo-wadeyaashooda, iyagoo wali uurka ku jira, si ay isaga difaacaan caabuqa HIV.
Dr. Hee, ayaa waxaa lagu xukumay ganaax, iyo saddex sano oo xarig ah.
Sababta ugu weyn ee loo ciqaabayo cilmi-baaraha, ayaa ah in cilmi-baaris aan sharciyeysneyn uu ku sameeyay bini’aadamka, cilmi-baaristiisana aanay marin hannaanka hufan ee sharciga ah.
Ka dib markii xabsiga laga sii daayay, ninkani ayaa wuxuu sheegay inuu u amba bixi doono Hong Kong, si uu u furo xarun caafimaad oo lagu sameeyo cilmi-baaris ku saabsan wax ka beddelka hiddaha, si loogga hortago in carruurta ay ka dhaxlaan cudurrada muruqa ee waalidkood.
Kadib markii ay maqleen arrintan, Hong Kong ayaa ninkan u diiday oggolaanshaha shaqada, sababo la xiriira in uu dambi galay.