10″ March “2023”
Itoobiya: Hal bil ka dib, mas’uuliyiintu waa inay si degdeg ah u qaadaan xannibaadda lagu hayo soo gelidda baraha bulshada ee la doortay ee dalka.Iyada oo xannibaadda ay masuuliyiinta Itoobiya ku hayaan baraha bulshada ee la xushay ay galayso bishii labaad, ayay tiri Ku-xigeenka Agaasimaha Gobolka ee Amnesty International ee Bariga iyo Koonfurta Afrika, Flavia Mwangovya:
“Masuuliyiinta Itoobiya ayaa muddo bil ah hadda ka hor istaagay dadka ku nool dalka inay galaan baraha bulshada ee la doortay sida Facebook, Telegram, Tik Tok iyo YouTube. Mas’uuliyiintu waxay sidaas darteed sii wadaan inay ku xad-gudbaan xaqa ay dadku u leeyihiin xorriyadda hadalka, taas oo ay ku jirto xorriyadda ay ku raadsanayaan, helaan iyo gudbinta macluumaadka.
Amnesty International ayaa ku boorisay dowladda Itoobiya in ay si deg deg ah u qaado xayiraadda muddo bil ah saarneyd ee lagu soo rogay baraha bulshada dalkaas.
Maamulka Itoobiya ayaa xiray gelitaanka baraha bulshada ee caanka ah Febraayo 9, 2023 ka dib markii ay sare u kacday xiisadda u dhexeysa mas’uuliyiinta dalka iyo Kaniisadda Tewahdo ee Ortodokska.
Khalkhalka internetka ayaa jawaab u ahaa mudaaharaadyo la qorsheeyay oo ka dhashay isku day ay dawladdu taageertay oo lagu doonayay in lagu kala qaybiyo Kaniisadda Ortodokska Tewhado ee Itoobiya.
Maamuladu waxay sii wadaan inay ku xad-gudbaan xaqa ay dadku u leeyihiin xoriyatul qawlka, taas oo ay ku jirto xoriyada ay ku raadsanayaan, helaan iyo gudbinta macluumaadka
Flavia Mwangovya, Ku-xigeenka Agaasimaha Gobolka, Bariga iyo Koonfurta Afrika
“Go’doomintan lagu sameeyay baraha bulshada ee la xushay waxay si cad ugu xad-gudbi doontaa xuquuqda muwaadiniinta ee xorriyadda hadalka iyo helitaanka macluumaadka. Waxa kale oo ay ka duulaysaa dastuurka Itoobiya u gaarka ah, iyo shuruucda qaranka, iyo sidoo kale heshiisyada gobolka iyo kuwa caalamiga ah ee ay Itoobiya qayb ka tahay. Xayiraadda ayaa sii sii wajaheysa rikoorka xun ee uu dalku horey ugu lahaa xorriyadda warbaahinta.
“Amnesty International waxay ku boorinaysaa mas’uuliyiinta Itoobiya inay xayiraadda qaadaan si aan dib-u-dhac lahayn oo ay u joojiyaan dhaqankan faragelinta ah ee xuquuqda dadku u leeyihiin inay muujiyaan oo ay helaan macluumaadka.”
Dawladda Itoobiya waa in ay joojisaa dhaqankan faragelinta ah ee ay ku hayso xaqa ay dadku u leeyihiin in ay ra’yigooda dhiibtaan iyo in ay raadiyaan oo xog gudbiyaan Flavia Mwangovya ayaa sidaas yiri
Kadib xiisado ka dhashay khilaafkii ka dhacay Kaniisada Ortodokska ee Itoobiya, dowladdu waxay xannibtay baraha bulshada tan iyo 9kii Febraayo 2023 iyadoo hoggaamiyeyaasha Kaniisaddu ay ku hanjabeen inay ku baaqayaan isu soo baxyo ballaaran oo dalka ah iyo isu soo baxyo looga hortagayo.
Sida ay sheegtay warbaahinta, ciidamada ammaanka ayaa dad ku dilay iska horimaad dhexmaray dad mudaaharaadayay kaniisad ku taal galbeedka Arsi, magaalada Shashamane ee gobolka Oromada.
Tan iyo 2016 Amnesty International iyo ururada kale waxa ay diiwaangeliyeen xidhitaanno badan oo intarneedka ama xannibaadaha inta lagu jiro mudaaharaadyada baahsan iyo meelaha colaaddu ka jirto. Gobolka Tigray ee uu dagaalku ka socdo ayaa muddo laba sano ku dhow laga jaray wax kasta oo isgaarsiineed oo uu ku jiro internetka. Xidhiidhku qayb ahaan dib ayuu u bilaabmay kadib heshiiskii Joojinta Colaadaha (CoH) ee ay saxeexeen dhinacyadii dagaallamayay Noofambar 2022.