14″‘March “2023
Inta la xaqiijiyay 3 Askari ayaa ku geeriyootay. halka Taliyaha qeybta 43-aad ee Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed (Laballe) iyo Guddoomiyaha Gobolka Gedo Axmed Buulle iyo Cabdirashiid Janan ay ku dhaawacmeen weerar ismiidaamin ah oo ka dhacay degmada Baardheere ee gobolka Gedo.
Degmada Baardheere ee Gobolka Gedo ayaa waxaa ka socday maalmahaam abaabul xooggan oo ak dhan ah dagaalamayaasha Alshabaab, waxaana la filayay in Magaalada uu ka billawdaan kulamo ammaanka looga arrinsanyo iyo howgalo.
Maamulka Gobolka, Saraakiil hore, Nabaddoonno, Taliyeyaal Ciidan iyo Mas’uuliyiin kale ayaa halkaasi ku shirsanaa sida wararku sheegayaan, waxaana xogaha qaar ay tilmaamayaan in la qorsheynayay dagaallo Culus oo Alshabaab looga saarayo degaannada ay ka haystaan Gobolka Gedo, waxaana degaanadaasi ka mid ah Magaalada Bu’aale oo ka mid ah meelaha Alshabaab ku xooggan yihiin ee Gobolkaasi.