Daawo ” Rooble: Galmudug Waxaan Ka Daba,Geynayaa Maamulada Kale !!

16″ DECEMBER “2020”

Raysalwasaaraha Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble oo ku sugan magaalada Dhuusamareeb ayaa sheegay in wakhtiga yar ee u haray xukuumadiisa uu ka shaqeyn doono hourmarinta Galmudug,

Raysalwasaaraha oo xalay ka qeyb galay xaflad casho sharaf ah oo uu maamulka Galmudug u sameeyey wafdigiisa ayaa khudbad uu halkaasi kasoo jeediyey sheegay in uu Galmudug ka caawin doono dhanka horumarka.

RW.Rooble ayaa dhinaca kale sheegay in loo baahan yahay in si deg deg ah cadaalada loo horkeeno kooxdii ka danbeysay dilkii 6 sarkaal oo ka tirsan militariga Soomaaliya oo lagu dilay duleedka magaalada Guriceel ee gobalka Galgaduud.

Falkaasi ka dhacay deegaanka Guriceel 9kii bishan ayaa la sheegay inuu la xariiro aano qabiil, dhamaan saraakiisha lagu dilay weerarkaasi ayaa kasoo jeeda deegaanka Balanballe halka kuwa dilka geystay la sheegay inay kasoo jeedaan Gurcieel.

Raysilwasaare Rooble ayaa booqasho ku tagay magaalada Caabudwaaq xili uu xalay kulamo la yeeshay qaar kamid ah odey dhaqameedka ku sugan magaalada Dhuusamareeb.

https://youtu.be/uj72B49k8yw

Leave a Reply