Miisaanka Siyaasadeed Musharaxa Mustaf Dhuxuloow Waa Mid Dowlada Ka Caraysiin Kara !!

DECEMBER” 18″ 2020″ MUQDISHO

Musharax Madaxweyne Mustaf Sheekh Cali Dhuxulow ahna Xildhibaan ka tirsan golaha shacabka ayaa caawa ka hadlay kulan lagu taageerayey oo ay ka hor istaageen ciidamada ammaanka, kaas oo ka dhici lahaa Hotelka Afriik ee magaalada Muqdisho.

Musharax Dhuxulow ayaa sheegay in kulankaas ay soo qaban qaabiyeen dhalinyaro isaga taageersan, isla markaana lagu soo dhaweynayey musharaxnimadiisa, waxuuna tallaabadaas ku eedeeyey Taliska hey’adda Nabad sugidda.

Ciidamo isugu jira boolis iyo Nabad sugid ayuu sheegay inay hor istaageen xafladaas, balse markii uu la xariiray Taliska guud ee Nabad sugidda ay u cadaatay in ku talagal looga hor istaagay kulankaas lagu taageerayey, “Waxaa cad in aysan ogoleyn in dalkan ay doorasho ka dhacdo, waxaa cad in aysan ogoleyn in lala tartamo, waxaa cad inay rabaan in dalka ay ku heystaan xukun kali talisnimo ah, Farmaajo dalkan waa lagu soo dhaweyey, markii loo doortana qof uu xiro iyo qof uu handado ayuu ka dhigay dadkii” ayuu yiri Mustaf Dhuxulow.

Isagoo sii hadlaayey ayuu yiri, “Dadka Soomaaliyeed waxaan u sheegayaa in Madaxweyne Farmaajo iyo Taliyihiisa Nabad sugidda Fahad Yaasiin aan dalka iyo dadka lagu aamini karin, waxaana ugu baaqayaa dadka Soomaaliyeed inay talo ka yeeshaan xaaladda dalka, sababtoo ah annagii madaxda aheyn oo dalka ka soo shaqeynay oo siyaasadda ku jirnay ayaa meel aan ka marno la’ nafteena ayaa maanta halis ku jirta, bal iska daa dadkii nataageeraye

MUSHARX MUSTAF DHUXULOOW

Musharaxa mustaf shiiq cali dhuxuloow oo ka mid musharaxiinta ugu cad,cad ee u taagan xilka madaxweynanimada soomaalia Ayaa laga joojiyay qabashada barnaamij dad badani isu diyaariyeen in ay ka qaybgalaan oo lagu qaban lahaa hoteelka afrika ee magaalada Muqdisho.

ilo xogogaa ah ayaa wariyaasha u xaqiijiyay Taliyaha booliska genaraal xijaar in uu bixiyay amarka is hortaaga barnaamijka Musharax Mustaf dhuxuloow .

Musharaxa mustaf dhuxuloow ayaa ah nin aan sidaa u hadal badneeyn balse galaangal weeyn ku dhax leh bulshada qaybaheeda kala duwan waxaana suurtagal ah barnaamijyadiisu in dowladu u aragtay mid yeelan kara saameeyn ka caraysiiya dowlada oo diidan sumacada musharaxiinta qaar sida mustaf dhuxuloow oo tan iyo markii uu soo noqday wasiir iyo xildhibaan aan ka dhax bixn bulshada .

DAAWO VIDEO GAAN SI AAD U OGAATID WAA KUMA MUSHARAXA MUSTAF DHUXULOOW

Leave a Reply