Faah,faahinta Qaraxa Galkacyo” Ayaa Sheegaya Mas’uuliyiin Iyo Dad Shacab Ah In Ay Ku Dhinteen

18″ December “2020” Gaalkacyo”

Wararka laga hekayo magaalada Gaalkacyo ee xarruunta gobolka Mudug ayaa sheegaya in qaraxii halkaas ka dhacay ee ismiidaaminta ahaa oo la la beegsaday illaalada Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble, uu geeystay qasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac

Qaraxa oo sida la sheegay uu fuliyay ruux isku soo xiray waxyaabaha qarxa ayaa waxaa uu ka dhacay irida garoonka kubadda Cagta ee magaalada Gaalkacyo dhanka Galmudug, iyadoo halkaasi ay ka socotay soo dhawaynta Ra’iisul wasaare Rooble, oo magaaladaas ku wajahnaa

Warar hor dhac ah oo ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay qaraxan ayaa sheegaya in ay ku geeriyoodeen dad shacab ah iyo saraakiil ciidan oo uu kamid yahay taliye xigeenkii Danab ee Marsho, waxaa dhaawac culus soo gaarey taliyaha Qeybta 21-aad Generaal Qooje iyo saraakiil kale.

Dadka dhintay ayaa sidoo kale waxaa ku jira Guddoomiyihii hore ee degmada Gaalkacyo qaybta Puntland maxamuud yaasiin tummeey

Leave a Reply