18″ December “2020” Goal.com
Weeraryahanka kooxda Bayern Munich ee Robert Lewandowski ayaa faallo ka bixiyay, kaddib markii uu ku guuleystay abaal-marinta xiddiga sanadka ee FIFA THE BEST.
Robert Lewandowski ayaa xusay in abaal-marinta xiddiga sanadka ee FIFA THE BEST uu ku garaaco xiddigaha Lionel Messi iyo Cristiano Ronaldo ay isaga micno weyn ugu fadhido.
Robert Lewandowski ayaa ku guuleystay abaal-marinta xiddiga sanadka ee FIFA THE BEST, waxaana uu ku guddoomay Magaalada Zurich ee waddanka Switzerland oo xalay abaal-marinnada FIFA lagu bixinayo.

Lewandowski ayaa kaddib markii uu gudoomay abaal-marinta xiddiga sanadka ee FIFA THE BEST, wareysi uu bixiyay wuxuu kaga hadlay dareenkiisa wuxuuna yiri:
“Inaan kaga guuleysto abaal-marinta FIFA THE BEST xiddigaha Lionel Messi iyo Cristiano Ronaldo micno weyn ayey ii leedahay aniga.”
“Ma aheyn sanad sahlan, sida uu u ahaa qof walba, laakiin waxaan ku guuleysanay wax walba oo aan ku guuleysan karno.”
Wuxuu ahaa sanad xiiso badan, way adag tahay in marwalba aad ahaato meesha ugu sareysa, laakiin waxaan dooneynaa inaan sii wadno guusha.”
“Waxaan u mahad celinayaa shaqaalaha tababarka, iyo asxaabteyda, la’aantood, tani suurta gal ma noqon lahayn, way adag tahay in la helo ereyada saxda ah, aad baan ugu faanayaa.”
Marka laga reebo koobabka wadajirka ah ee saaxiibadiis kooxda Bayern, Lewandowski wuxuu ku guuleystay abaalmarino kale oo shaqsi ah, gaar ahaan gooldhaliyaha ugu sareeya tartanka Champions League, gooldhaliyaha Bundesliga, gooldhaliyaha koobka German Cup, ciyaaryahanka ugu fiican horyaalka Jarmalka iyo ciyaaryahanka ugu fiican Yurub.
